U bood dhigaalka

Banaadir vs Galmudug oo Foodda Isdaraya Koobkaan Sidaa Loogu Kala Guuleystay

Sheeko:Dalka

Tartankan lama qaban labo sano xiriir ah, balse sanadkan ayay nasiib ay u yeelan doonaan in taageerayasha ay arkan tartanka maamul goboleedyada, iyadoo uu jiro Korona Fayras haddana waxaa la filayaa in galabta Jamaahiir badan ay camiraan garoonka Eng. Yariisow.

Tartankan sanadkan waxaa nasiib u yeeshay oo lagu daah furi doonaa martigaliyeyaasha tartanka ee Xulka Banaadir iyo Maamul Goboleedka Galmudug.

Ciyaartan ayaa ah mid aad u xiiso badan marka laga soo tago xifaaltanka labadan xul, balse waxaa ku hoos duugan xifaaltan Tababarenimo ee u dhaxeeya Macallin Daadir amiin oo hoggaaminaya Banaadir iyo Axmed Tahliil oo horkacaya xulka Galmudug.

Labadaan macallin waxaa jira xifaaltan soo jireen ah marka dib loogu laabto waqtiga ciyaaryahannimo, waxay kala matali jireen labadii kooxood ee ugu taageerayasha badnaa ee LL PP Jeenyo iyo Banadir Sports Club oo iminka la yiraahdo MCC.

Sidoo kale xifaaltankan labadaan Tababare waxaa macno u sii yeelaya inay markii ugu horreysay ay ka soo muuqanayaan kursiga macallinimo ee tartanka maamul goboleedyada, iyagoo hore isku soo arkay marka laga hadlo xirfadooda macallinimo.

Hadaba Halkan ka Akhriso Sida Horay Loogu Kala Guuleystay tartankan:-

Tartankan xilligii burburka ka hor waxaa loo tartami jiray 18 gobol oo dalka ah, waxaa gobollada isku reereebi-jireen sida ay daris u yihiin, si ugu dambeyntii tii awood badan koobka u ciyaarto.

Taariikh ahaan, gobollo waxaa jirta koobka qaadistiisa ku caan baxay, kuwoo aan weligood qaadin iyo gobollo aanba weligood iman koobka.

Burburkii ka Hor: Gobolka Jubbada hoose waxaa uu qaaday 8 jeer, Shabeellada hoose 3 jeer, Shabeellada dhexe 3 jeer, Waqooyi galbeed iyo Banaadir mid hal jeer.

Burburkii Kaddib: 2010-kii markii dib loo bilaabay, tartan lagu qabtay Garoowe waxaa ku guuleystay gobolka Banaadir, halka tartankii kale ee xigay ku guuleysteen ciyaar-toydii ka socotay Puntland.

Haddii marka aan qaab maamul goboleed u qorno waxaa ay noqoneysaa sidan:-

Jubbaland: 9 Jeer

Koonfur Galbeed: 3 Jeer

Banaadir: 2 Jeer

Hirshabeelle: 3 Jeer

Puntland: 1 Jeer

Galmudug: 0

Goobjoog News