U bood dhigaalka

Banaanbax Lagu Taageerayo Doodda Aqoonsiga Somaliland Oo Lagu Qabtay Hargeysa

Sheeko:Amniga

Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland waxaa hadda ka socda isu soo bax ballaaran oo lagu taageerayo doodda baarlamaanka Ingiriiska ee aqoonsiga Somaliland.

Kumanaan dadweyne ah  oo ay ku jiraan caruur iskuuleey ah ayaa saaka isugu soo baxay wadooyinka magaalada Hargeysa iyagoo lulaya calanka Somaliland iyo UK iyagoo ku baaqaya gooni isu taaga Hargeysa oo ay sheegeen inay muddo dheer dib u dhacday.

Gavin Williamson, oo ah xildhibaanka ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska oo mooshinka doodda ah ka keenay hoolka baarlamaanka UK, ayaa lagu ammaanay sida uu ugu adkaysanayo aqoonsi raadinta maamulka magaalada Hargeysa .

Dibad-baxayaasha Hargeysa waxaa ka mid ahaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Seylici, Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda.

Soddonkii sano ee la soo dhaafay Somaliland waxay wacdaro ka muujisay arrimaha nabadda iyo doorashooyinka, Horumarradaas waxay ku muteysteen in si gaar ah isha loogu hayo laguna ammaano, Laakiin iyadoo ay taasi jirto, haddana kuma ay guulaysan aqoonsi diblomaasiyadeed ilaa hadda.
Goobjoog News