U bood dhigaalka

BANGIGA HORUMARINTA ISLAAMKA IYO HAY’ADDA SAMAFALKA AADAN CABDULLE CUSMAAN AYAA DEEQ WAXBARASHO OO FARSAMADA GACANTA AH SIINAYA 200 OO DHALLINYARADA BARAKACAYAASHA MAGAALADA MOGADISHU

Sheeko:Dalka

Mogadishu:- 10 October 2020, Xaruntasamafalka Aadan Cabdulle Cusmaan, oo saldhiggeedu yahay magaalada Mugadishu,  ayaa waxa ay ka bilowdaymagaalada Muqdishu tababarro xirfado farsamada gacanta ah oo waxlagubarayo 200 oo ka mid ah,  dhallinyarada ku nool xarumaha barakacayaasha ee magaalda Muqdishu. Sidaasina waxaa shaacaka qaaday Engcabdulqaadir Aadan Cabdulle, oo ah agaasimahaha hey’dda samafalka AadanCabdulle.

Eng. Cabdulqaadir, oo faahfaahinayey sida mashruucaan loo fulinayo ayaa waxaa uu sheegay inmuddo 10 bilood ah lagu dhamaystirayo mashruuca tababarka dhalinyarada barakacayaasha ah. Waxaa uu intaas raaciyey agaasimahahay’addu, in hadda tababarkii ugu horeeyey loo bilaabay 60 dhalinyaraaoo labarayo xirfaddaha harqaanka.

Dhallinyaro kale oo tiradoodu ay gaareyso 40 ayuu caddeeyey agaasimuhu in labaridoono farsamada mobillada gacantaiyo ciladbixintooda wajiga labaad ee mashruucan xirfadbarista.

Sidoo kale wuxuu sheegay Eng. Cabdulqaadir, in 50 dhallinyaro ah iyagana labaridoono farsamada alxanka biraha baabuurta,iyo farsamada najaarnimada.

Sida uu xaqiijiyay EngCabdulqaadir, dhammaan tababaradaasi in ay yihiinkuwobilaash ah islamarkaana inta dhamaysata loo abuuridoono goobo ay kushaqaystaan.

Eng Cabdulqaadir waxauu sheegayin ay Hirgalinta mashruucaan iskakaashadeen maalgalintiisa Bangiga horumarinta Islaamka iyo Hay’adda SamafalkaAadan Cabdulle Cusmaan.

Eng Cabdulqaadir Aadan Cabdulle, oo ah agaasimaha hay’adda Samafalka ayaa waxaa uu uga mahadceliyey bangiga horumarinta Islaamka kaalamada ay u fidiyeen ummadda Soomaaliyeed xilligaan adag, isagoo si gaar ah oo isagoo hoosta ka xariiqay in aaney umadda Soomaaliyeed iloobidoonin gargaarki iiyo kaalmadii uu bangiga horumarinta Islaamku lagarabtaagnaa Soomaaliyaxilliyadiiaadka u adkaaeeSoomaaliyaay soomartay.

Hay’addasamafalkaAadanCabdulleCusmaan, ayaawaxaa la asaasaysanadkii 2012 Kii

Waxaana loo asaasay in ay wax kaqabatoarrimahawaxbarashada, arrimahaCaafimaadka, Nabadda, wadaxaajoodkaiyodowladwanaagga.

Soomaaliyaayaawaxayka mid tahay dowlada haasaasay ururka islaamka oo bangiga horumarinta islaamku hoosyimaado, waxaana xilligaas Soomaaliya madaxweyne kaahaaallaha u naxariistee Aadn Cabdulle Cusmaan, oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya markii ay xornimada qaadatay.

Madaxweyne Aadan Cabdulle, waxa uu xukunka ku wareejiyey Cabdirashiid Cali Sharmaake, allaha u naxariistee ka ddib markiiuu hal cod oo kaliya kaga helay doorashadii 1967dii.

DHAMAAD.

Goobjoog News