U bood dhigaalka

Bank Adduunka oo Soomaaliya ka Taageeraya Dib u Daabicidda Shilling Soomaaliga.

Sheeko:Dalka

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xamze Abdi Barre ayaa shir guddoomiyay kulankii koowaad ee ay yeeshaan guddiga Hagista Mashruuca Dib-U-Daabicista Shillin Somaaliga oo qeyb ka ah mashruuca Kalkaal oo uu taageero Bank Adduunka si dib loogu dhiso hey’addaha dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda banka dhexe ee Soomaaliya, xubno ka socday tiirka horumarinta dhaqaalaha,guddiga horumarinta dhaqaalaha qaranka, Wasiiradda Maaliyadda Dowlad Gobolleedyada marka laga reebo Puntland iyo madaxda ka socota world bank oo qadka internetka ku soo xaadiray shirka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in dib loo daabaco lacagata shillinka, dib u dhiska hey’adaha dhaqaalaha dalka sida dalka uga soo kabto saboolnimada.

“ Dib u daabicidda Shillin Soomaaligu waxay waxwayn ka badali doono shaqada hay’adaha dhaqaale ee dalka, isla markaana waxay kobcindoontaa dhaqaalaha iyada oo yareyndoonta saboolnimada” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Mashruuca Kalkaal oo uu taageerayo Bank Adduunka ayaa ujeedadiiso yahay xoojinta tabarta waxsoosaaraka hey’adaha dhaqaalaha ee dowladda iyo in dib loo yagleelo dhaqaalaha Soomaaliya.

Banka adduunka ayaa Banka Dhexe ee Soomaaliya ka taageeraya in dib loo hawlgeliyo xarumaha Banka Dhexe ee maamulada iyo gobolada dalka, iyo dib u daabicida shilling Soomaaliga.

Shilling Soomaaliga ayaa ku jiri xiligii ugu adkaa, iyadoo meelo badan oo ka mid ah dalka aanan laga adeegsan shilling Soomaaliga sabab la xariirta sicir barar uu sababay.

Burburkii ka dib waxaa soo baxay shirkado gooni looleeyahay oo isku dayay inay daabacaaan shilling Soomaali taasi oo keentay sicir barar iyo in dadka ay ka aamin baxaan adeegsiga shilling ka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawr jeer oo hore sheegay in ay daabacayso shilling Soomaaliga, wali ma jirto xog sarmi ah oo laga hayo xiliga ay soo baxayso lacagta koowaad.

Inta badan gobolada dalka ayaa waxaa laga adeegsadaan lacagta elektronika ah ee mobileska la iskugu diro.

Shirka mamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee lagu wado inuu ka dhaco Baydhabo dhawaan ayaa waxaa ka mid ah qodobada looga arrinsanayo hanaanka mideynta lacagaha canshuuraha. Halka astaynta awoddaha ee looga heshiiyay Muqdisho horaantii February ay gooni ugu qaasyeeshay dowladda dhexe awoodda daabicista lacagta.

Goobjoog News