U bood dhigaalka

Bangiga Hormarinta Afrika oo $5.4 Milyan Ugu Deeqay Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) , ayaa oggolaaday deeq lacageed oo dhan 5.4 milyan oo Doollarka Maraykanka ah, si loogu taageero sugnaanta cuntada degdegga ah ee Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee Bankiga Bariga Afrika, Nnenna Nwabufo, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in saameynta abaarta daba dheeraatay iyo saameynta dheeriga ah ee colaadda Ruushka iyo Ukraine ay sii xoojisay cunno yarida dalka.

“Sannadihii lasoo dhaafay, abaaruhu waa ay abuureen xaalado nuglaansho ah oo ay weheliso cunto yari joogto ah, dhaqaale xumo baahsan, colaado, iyo tahriib, taasoo si xun u haleeshay xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda-xoola-dhaqatada,” ayay tiri.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, in ka badan 7.1 milyan oo qof, ku dhawaad ​​kala bar tirada guud ee dadka, ayaa wajahaya xaalado  abaaro ah oo ka jira Soomaaliya,maadaama dadku abaartu dhaafisay xoolaha iyo beeraha.

Goobjoog News