Barnaamijka “ OGAAL” iyo Khilaafka Dowladda Federaalka Ah iyo Kuwa Xubnaha Ka Ah

Barnaamijka “ OGAAL”ee ka baxa Goobjooj TV,  uuna wado Prof. Cabdullaahi Maxmed Shirwac ayaa todobaadkan looga hadlay khilaafka dowlad gobaleedyada iyo dowladda federaalka, oo dad badani ay qabaan inuu ragaadiyay dhismaha dowladnimada Soomaaliyeed iyo howlihii arrimahaas oo dhan la xariiray.

Waxaana Barnaamijka  ka qeyb galaya, Senator Xuseen Sheekh Maxamuud, oo ah Senator Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ahna xoghaya guddiga dib u eegista dastuurka, Qareen Ciise Axmed Warsame, oo ah madaxa shirkad Qareenada oo loo yaqaana Warsame Low, Dr, Sheekh Cali Yaasiin Sheekh oo bare sare ka ah Jaamacadda Simad, Xildhibaan Garaad Yuusuf Maxamuud, ka tirsan Baarlamaanka Galmudug. 

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa su’aasha koowaad  la weydiiyay oo aheyd muxuu salka ku hayaa khilaafka u dhaxeeyo madaxda dowladda iyo dowlad gobaledyada wuxuuna yiri” khilaafaadka soo noqnoqonaayo waxaa ay ka mid tahay culeyska ay leedahay, dad aan horay ugu oolin wax ay kuwada shaqeeyaan, dhibaatada waxaa ay ka taagan tahay Decoment lagu heshiiyay oo qeexaya awoodaha labad dhinac iyo jidadka ay kala marayaan majiro, xalkuna waa in dastuurka dib u-eegis lagu sameeyaa oo lagu sheego qof waliba in ay hesho doorkeeda hadhowna lagula xisaabtamo meesha ay ka baxeysana la ogaado, hadda si guud dastuurku qodabka 54-aad waxaa uu u sheegay dhowr awoodood oo muhiim u ah aassaasiyaadka dowladnimada oo Xukuumadda federaalka ay leedahay, oo ay ka mid tahay arrimaha dibadda, Socdaaka, Siyaasadda dhaqaalaha iyo Ciidanka, lakiin waxaa jira arrimo uu dastuurku leeyahay ha laga wada xaajoodo waana kuwaas kuwa ugu badan ee la is ku qabsado, hadda ayaan wadnaa inaan awoodaha u kala saarno midda dowladda dhexe kuwa federaalka lagu yahay iyo kuwa dowladda hoose”

Qareen Ciise Axmed Warsame, ayaa dhankiisa ka jawaabay su’aashii la weydiiyay senatorkii ka horeeyay waxaana uu yiri “ Arrintaan khilaafka ku saabsan waan aragnaa,hase yeeshee arrinta aan rabo inaan aniga inaan hoosta ka xariiqo waxaa ay tahay, dastuurka hadda jiro waa mid ku meel gaar ah, Soomaalidu waxaa ay tiraahdaa cawaba waa cumri, hadda waqtigaan xaadirka ah assaga ayaa la rabaa in lagu dhaqmo, khilaafka marka jira ee aad carabaawday waxaa loo baahan yahay in dastuurka ku meel gaarka ah in assaga loo celiyo,oo la yiraahdo dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah intaba in ay is warsadaan khilaafka si aan u maareyno ugu yaraan dastuurka federaalka ku meel gaarka ah bal aan ku sii camal falno ilaa inta laga gaarayo is badalka lagu sameynayo, oo hadda socda inta wax waliba la kala qeexayo”

Xildhibaan Garaad Yuusuf Maxamuud, ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, ayaa asna dhankiisa ka jawaabay su’aashii la weydiiyay martidii ka horeysay waxaa uuna yiri” Annagu waxaan nahay dal muddo colaad ku soo jiray system kii dowliga ahaana uu burburay is aaminaad darrana ay ka dhacday, sidaas daraadeed, arrimahaas waxa ay sababayaan is jiid jiidka,ka dhexeeya dowladda dhexe iyo dowladaha xuubnaha ka ah,  dowlad Soomaaliyeed oo dalka dhan mas’uul ka ah iyo dowlado xubnaha ka ah  kuwaas oo doonaya in shacabkii ay wakiilka ka ahaayeen gaarsiiya adeega dowladnimo, in kastoo dastuurka hadda aan heysanno uu cadeynaayo awoodaha  qeybaha dowladda federaalka ay leedahay iyo dowladaha xubnaha ka ah si adeegaas loo gaarsiiyo khilaafyo ayaa imaanaayo, oo ah qaab dhismeedka dowladnimo ee socda waxaa uu keenayaa in cid waliba ay awood sheegato markaad fiiro dowladaha federaalka qaatay sidaas ayaa dhacda”.

Dr, Sheekh Cali Yaasiin Sheekh, ayaa dhankiisa ka jawaabay su’aashii hore ee dhamaan martida ka jawaabeen oo aheyd muxuu salka ku hayaa khilaafka u dhaxeeyo madaxda dowladda iyo dowlad gobaledyada wuxuuna yiri” Dalka oo aan aad u qeyb samin taas waxaa ay keeneysaa inuu is qabqasiga uu bato dhanka siyaasadda oo dhan waliba uu rabo inuu dhaqaalaha xooga saaro, daraaso dhawaan aan sameynay dadku waxaa ay sheegayaan hab dhismeedka dowlad gobaleedyada loo sameeyay in ay dhibaato tahay  oo Juquraafi ahaan dalka loo eegin, ee loo fiiriyay Qabiil ahaan iyo siyaasadda guud,  sida dadka ay ku imaanayaan sida lagu soo dooranaayo,  matalaad sax ah aan shacabka aan ka heysanin meelahaas ayey xooga saarayaan iyo dalka oo aan nabad badan ayna ka jirin oo intiisa badan dagaal ka jiro, khilaafku waa uu jiray lakiin waxaa wax sii xoojinaayo ayaa ah inuu wada tashigii uu yaraaday”.

Qareen Ciise Axmed Warsame ayaa  ka jawaabay su’aasha aheyd dowladdu xaq ma u leedahay in faragaliso dowladaha xubnaha ka ah xiliga doorashooyionka  wxaa uunaa yiri” Dowladda federaalka ayada ayaa ah kolba dowlaha xubnaha ka ah mid ay hoos yimaadaan, oo meesha madaxaa waa dowladda federaalka, dowladdu kuma siideysna oo sida ay rabto inay ka yeesho, awood siideysan malahan oo sharciga ayaa xadidayo, sharciga xadidayo waxaa ka mid ah ama ugu sareeyaba inta dastuurka ku qoran ayaa loo baahan yahay in ay ilaaliso, Qodabka 54-aad waxaa uu u xusayaa awoodo ay leedahay dowladda dhexe, intaas wixii ka soo hara dowladda dhexe waxaa laga rabaa cidda ay tilaab ka qaadeyso ugu yaraan in ay kala tashato dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, haddii marka dowladdii federaalka sidii ay doonto ay iska yeeleyso taasi sax maahan”.

Xildhibaan Garaad Yuusuf Maxamuud, ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, ayaa asna dhankiisa ka jawaabay su’aal la weydiiyay oo aheyd madaama dowladdu ay ku doodeysaa in dowladdii dhexe ay tahay oo kaalin ay ku leedahay wax ka dhacaayo dowlad gobaleedyada iyo doorashooyinka, dowladd wado sharci ah ma u martaa marka ay faragalineyso mise la wada hadlaa wuuna ku jawaabay”  Marka laga hadlaayo dowladda dhexe ayada ayaa dalka mas’uul ka ah si guud, dowlad gobaleedyaduna waa dowlado ka tirsan dowladda dhexe, waxaa ay leeyihii dastuuro, dastuuradoodu waxaa ay sheegayaan in ayagu ay mas’uul ka yihiin doorashooyinka oo wasaarado u gooni ah ay ayagu leeyihiin sida amniga, lakiin sida la ogsoon yahay dhibaato badan  ayaa dalka ka jirto waxaan jirin is ku turid dowlad gobaleedku hey’ado ayuu leeyahay sida sharci dajintii iyo fulintii, dowlad gobaleedyada wasaaradooda arrimaha gudaha ayaa sharci ka soo saareyso arrimaha doorashada waxaa ay horkeeneysaa Baarlamaanka gobalka si loogu ansixiyo”.

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud,  ayaa ka jawaabey su’aal  aheyd maku talo jirtaan inaad is waafajisaan dastuurka federaalka iyo midka dowlad gobaleedyada, waxaa uuna yiri” Meesha waxaa socda dagaal awoodeed oo labada dhinac uu rabo inuu kan kale awoodo dheeraad ah ku kasbado, ayna noqoto dhaqan, ayadoo awoodii ayna kala qeexneen labada dhinac, marka qola walbaa inta aan la qeexin ayeey rabaan inay ka dhigaan dhaqan oo awoodo dheeraad ah ay ku qaataan, marka dagaal nuucaas ah wuu jiraa, dostuurada dowlad gobaleedyada oo aan is ku jid aheyn iyo kan dowladda oo hadda gacanta lagu haayo iyo is waafajintooda qodaba ayaa sheegay in labada dhinac in la is waafajiyo lakiin waa goorma waa marka kan guud lagu wada heshiiyo oo baarlamaanku ansixiyo hadhow kooda wixii kan ka soo horjeeda midka federaalka ee umadda ka dhexeeyo maamulkii la yamaada waa uu buraayaa”.

Qareen Ciise Axmed Warsame, ayaa  ka jawaabay su’aalshii  la weydiiyay Senoterkii ka horeeyay ee iswaafajinta labada dastuur ee Qaranka iyo midka federaalka dowladaha ku jira ay leeyihiin, waxaana uu yiri” Haddii aan ka hadlo iswaafajina, dastuurkaan ku meel gaarka ah meelo badan uu gaabis ka yahay wax badan ayaa ka dhiman qabyo badan ayaa ku jirta  oo hadda la dhameys tirayo, haddana dastuurku naftiisa waxna waa waxyaabaha qoran ee dastuurka ku qoran, waxna waa waxa loogu yeero mabaadiida dastuuriga ah, dowlad gobaleedka dastuurkeeda inuu waafaqsanaado midka ku meel gaarka ah oo hadda aan heysanno waa lagama maarmaan, haddii xataa uusan jirin wax daliil cad oo hadda ka hor imaanayo aysan ku jirin waa in dastuurka loo celiyo, dowladda federaalka dowladdii madaxa aheyd dowladahaan ayada ayeey xubno ka yihiin, dastuurkaan waa dastuurkii federaalka dalka oo dhan lagu dhaqayey, marka sidaas darteed, dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka waa in dastuuradooda marka ay sameysanayaan ay u sameystaan si aan meel uga dhaceynin dostuurka guud ee federaalka dalka”.

Dr, Sheekh Cali Yaasiin Sheekh ayaa dhankiisa ka jawaabey su’aal aheyd federalism dalka hadda lgu maamulayo kaalon intee la’eg ayuu ku leeyahay khilaafka hadda taagan, waxaa uuna yiri” waxaa uu sii fogeeyey weygii la is kula hadli lahaa ama la is ku fahmi lahaa, markii gobal kasta uu awood gooniya yeeshay waxaa uu u ekaaday dowlad gooni ah, waxaa sii adkaaday is ku soo dhawaan shiyihii is qabsigii hore ee jiray ayuu sii badiyay, is qabsi dhanka xuduudaha oo la is ku qabsado, dhaqaalaha oo la is ku qabsado  iyo ciidanka oo lagu kala duwanaado gobalada, dowladda iyo dowladd gobaleedyada oo aan kawada hadlin adeega mawaadinka loo qabanaayo, dhibaato badan ay shacabkii ku qabaan oo lacago kala duwan ay bixinaayaan oo dowladdii lacag ay ka rabto dowlad gobaleedkiina uu lacag uu ka rabo culeysyo dhanka maamulka oo soo kordhay”.

Xildhibaan Garaad Yuusuf Maxamuud oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, ayaa  ka jawaabey  su’aal aheyd kaalin intee la’eg ayuu  federaalka ku soo kordhin karaa khilaafka jira, waxaa uuna yiri” waa ay jirtaa in dadka qaar ay aaminsan yihiin inuu kaalin ku leeyahay, lakiin aniga ahaan inta aan ka shaqeynaayay Galmudug iyo dadkaan is aragnay faham darro gooni ah oo ka heysato majirto federaalka, waxaa jira in cid kastaa ay raadineyso awood ka dheeri ah waxa ayadu ay leedahay ay raadinayso, taas waan hanweynin iyo dadka madaxda ah oo aan mujineynin wadajiritaanka Soomaaliyeed ayaan u arkaa, marka in dadka loo shaqeeyo oo adeega la gaarsiiyo aysan keeni Karin in ayadoo maamulka loogu darnaanayo laga joojiyo  dowladda dhexe in aysan imaan Karin la yiraahdo “

Qareen Ciise Axmed Warsame, ayaa ka jawaabay su’aal weydiiyay su’aal aheyd haddii aysan jirin maxkamaddii dastuuri ah  ee dalka iyo Garsoorkii loo noqon lahaa markii la is qabto halkaa la aadayaa, ayaa yiri” waxaa ay aheyd maxkamaddii dastuurka in ay dhisan tahay  ay aheyd, taas waxaa ay keeneysaa waxyaabaha imaanaya oo khilaaf dastuuri ah, khilaaf dastuuriya maadaama uu yahay maxkamadaha caadiga ah magali karaan waa in ay gasho maxkamadda dastuuriga ah, maxkamadda sare ee hadda dalka ka dhisan ayada nafteeda waxaa weeye marka dastuurka la fiiriyo sida uu u hadlayo  meel boos ay ku leedahay oo arrimaha dastuuriga ay gali karto majiro, waxyaabo meel maran waaye oo Gaab jiro waaye oo sharci oo in la daboolo u baahan, hasa yeeshee arrinta, arrintaas lagu xalin karaa waxay tahay wada tashi , waliba wada tashiga waxaa sahlaya, hadda markii la yiraahdo Baarlamaanka federaalka ah, xubnaha Aqalka sare waxaa ay matalaan dowlad gobaleedyada, marka waxaa la rabaa meelahaas oo kale arrimahaan wada tashi la galiyo, Aqalkii sare oo matalaya dowlad gobaleedyadii iyo Qarankii iyo Golahii shacabka oo dadkii maalaya labada Aqal meel wax lagu xalin karo inta laga helayo maxkamadda dastuuriga”

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa dhankiisa ka jawaabay su’aal ahey  labada aqal ee Baarlamaanka talooyikooda ma qaataan labada dhinac si looga fogaado khilaafka, waxaa uuna yiri” Hadda qaab nabadoonimo ah ayeey inta badan is ku dayaan arrimihii dowlad gobaleedyada iyo dowladda dhexe wax badan ayeey is ku dayeen awood ay wax ku meel mariyaan malahan taladoodana inta badan dhinacyada aad uma dhageystaan, waxaa muhiim ah xukuumadda hadda jirtaa ay ka gaabisayna aan dhihi karaa Golihii Adeegga Garsoorka ayaan labo sano iyo badh aan sugeynaa in la dhiso sedex hey’addood oo iskaabaya ayaa la rabaa in ay ka shaqeeyaan,Baarlamaankii oo nidaamkii iyo shuruucdii soo dajinaya, Xukuumaddii oo fulineysa sharciya iyo haddii muran uu yimaado halkii loo noqon lahaa ee Garsoorka “.

Dr, Sheekh Cali Yaasiin Sheekh, ayaa dhankiisa ka jawaabay su’aal aheyd mar haddii sharciyadii dalka lagu maamuli lahaa ay qabyo yihiin nidaamkii dowligana ay qeybi maqan tahay sidaad u aragtaa, wuuxa yiri” waxaa iiga muuqda inuu khilaafku sii badanaayo , dowladdaan dowladdii ka horeysay ayada iyo dowlad gobaleedyadu waxaa ay lahaayeen dalad ay kuwada kulmaan, waxaa uuna ahaa talaabo aad fiican, ayna uga wada hadlaan amniga, siyaasadda iyo doorashooyinka, lakiin dowladdaan hadda jirta waxaad moodaa in aysan dooneynin in ay sidaas oo kale ay sameyso, marka is ku imaatin koodii wuu yaraaday, kalsoonida dowlad gobaleedyadu ay ku qabaan Senoterada majirto, waxaa loo baahnaa in ayagu ay meesha joogaan, daladdii maamulada in la soo celiyo aad ayeey u fiican tahay waxaan ognahay in looga soo gudbay caqabado badan”

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa dhankiisa ka jawaabay su’aal ahey  labada aqal ee Baarlamaanka haddii wada shaqeyn dhacdo dowladda iyo dowlad gobaleedyada muxuu soo kordhin lahaa waxaana uu yiri” waa su’aal aan mar waliba aan ka fakarno haddii wax waliba aay hagaagsanaan lahaayeen oo is ku jid la mari lahaa mana ahan suna dadka qalbigooda inuu is ku mid ahaado ,faaiidada ay lahaan layeen, madaxweynaha hadda talada hayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mid ka mid ah talooyinkii aan siinay markii xafiiska uu yimid oo ahaa inuu xasilooni siyaasadeed uu abuuro  oo xukuumadda dhexdeeda iyo  dowladda iyo dowlad gobaleedyada inuu abuuro, hal dhinac waa uu ku guuileystay oo waa dhanka xukuumadda”.

Qareen Ciise Axmed Warsame, ayaa ka jawaabay su’aal aheyd haddii labada dhinac ay heshiis ku ahaan lahaayeen danta guud oo dalka in dhibaatada laga saaro, waxaa uuna ku jawaabay” Khilaafku waa wax illahey jideeyay sidiisaba inaan waa la is khilaafay aan la qeylino maahan, haddana waxaa la rabay in khilaafka nuuc loo xalin karo in la helo oo looga bixi karo oo aan aheyn in awood la is isticmaaalo oo la is dilo ama la is aflagaadeeyo,  haddii nidaamkaas aan helno waa kheyr iyo wanaag, haddiise aan ka dhigno qori qori ku taag waxba soo xalismi maayaan, waxyaabaha naga qaldan waxaa ka mid ah qaabka madaxda ay u jiheysan yihiin diyaar ahaan shahooda iyo qaabka ay wax ku qabanaayaan oo ay ku jirto inuu ismahdiyo ruuxa madaxdaa oo maankiisa ka shaqeeyo”.

Xildhibaan Garaad Yuusuf Maxamuud, ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, ayaa markale ka jawaabey  su’aal aheyd guud ahaan khilaafku waxaa uu ka dhashaa sharciga oo laga tilaafsado kawaran waxaana uu yiri” aad iyo aad waa aragti jirta aad ayaana u aaminsan nahay taas in ay jirto, maxaa yeelay meesha waxaa ku jira han siyaasadeed , markaan u fiirsano dowlad gobaleedyada  iyo dowladda dhexe ninka kursigaas ku fadhiyaa maahan inuu deeqo kursiga uu ku fadhiyo waxaa uu raadinaayaa wax ka badan inta uu haayo”.

Dr, Sheekh Cali Yaasiin Sheekh, ayaa ugu danbeyn la weydiiyay madashii dowlad gobaleedyada dadka qaar ayaa aaminsan in ayada uu khilaafka ka yimid ee kwrn waxaana uu ku jawaabay” Haddii uusan jirin makaam loonoqonaayo ama maxkaddii dastuuriga aheyd dastuurkii dalkana uusan dhameys tirneen option ka kale muxuu yahay? aan heysanno aan aheyn  inaan u wada hadalnaa sidii Soomaali uwada hadli jirtay aan aheyn oo aan isweydiino waxaa aan sameyneyno, haddii aad diido dowlad gobaleed ka aad is ku daydo inaan awood ku maquuniso labada dhinac waqti iyo dhaqaale badan waxaa uu uga dhumayaa dagaalkaas”.

Halkan Ka Daawo, Barnaamijka oo Dhameystiran:

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW