U bood dhigaalka

Baydhabo: Akhriso Magacyada Murashaxiinta Maanta Ka Hor Khudbeynaya Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Sida ku qoran jadwalka doorashada koonfur galbeed ee Soomaaliya waxaa lagu wadaa maanta in ay khudbado jeediyaan ilaa 3 murashax.

Murashaxiinta khudbadaha ku qoran ayaa kala ah: Aadan Maxamed Nuur(Saransoor), Xuseen Cusmaan Xuseen iyo Ibraahim Macalin Nuunow

Doorashada koonfur galbeed ayaa dhici-doono 19-ka bishan, waxaan weli la’ ogeyn inuu ka qeyb gali-doono Roobow iyo in kale.

Qoraal uu sabtidii soo saaray guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal waxaa uu codsaday in la sii-daayo Mukhtaar Roobow, isaga oo intaas raaciyey in Mukhtaar Roobow uu yahay muwaadin xaq u leh tartanka doorashada.

Arrimaha Doorashada Koonfur Galbeed, Kala soco halkan

Goobjoog News