U bood dhigaalka

Baydhabo oo Lagu Arkey Ciidan, Gaadiid iyo Diyaarado Itoobiyan Ah

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay lagu arkey ciidamo u badan dalka Itoobiya oo ay wehliyaan Uganda iyo Burundi oo ku soo qulqulaya.

Ciidamadan oo ay agabkooda u dhameystiran yihiin waxaa la socday ugu yaraan 300 oo tikniko ah iyo in ka badan 30 diyaaradaha dagaalka ah.

Wararka waxaa ay intaas ku darayaan in shalay uu Baydhabo soo gaaray taliyaha guud ee AMISOM oo u dhashay Itoobiya isaga oo kormeeray fariisimaha ciidamada AMISOM ee Baydhaba.

Xog ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in ciiamadan ay u socdaan dhaq-dhaqaaq dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab, lamana oga halka ay ku socdaan.

Goobjoog News