U bood dhigaalka

Beesha Caalamka oo Murashaxiinta Ka Ballan Qaaday Iney Dalka Ka Dhaceyso Doorasho Hufan

Sheeko:Amniga

Waxaa galabta Jazeera Hotel ku soo gaba gaboobay kulan aalada la iska arko ku dhexmaray Midawga Musharixiinta iyo Wakiilada beesha Caalamka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayay xaalada uu dalku marayo gaar ahaan arrimaha doorashada ayaa murashaxiinta joogay waxaa ka mid ahaa:

  1. Xasan Sh. Maxamuud
  2. Cabdiraxmaan Cabdishakuur
  3. Shariif xasan Sh Adan.
  4. Xasan Cali Khayre
    Besha Caalamka wakiiladooda waxaa kamid ahaa Wakiilka Qaramada midoobay Iyo Shan Safiir oo ka socday dawlado iyo urur goboleedyo.

Midawga musharixiinta waxay si cad u sheegeen mowqifkooda doorasho ee ah inay dhacdo doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay, waxay sheegeen in aanay mar naba aqbalayn sida ay Villa Somalia hadda wax ku wado.

wakiilada Beesha caalamka waxay ballan qaadeen inay ka shaqayn doonaan in dalka ay ka dhacdo doorasho la isla ogol yahay.

Labada dhinac ayaa ku ballamay in ay si wadajir ah arintaas uga wada shaqeeyaan.