U bood dhigaalka

Beesha Caalamka oo War Kasoo Saartay Doorashada Golaha Shacabka

Sheeko:Dalka

Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa maanta war kasoo saaray doorashooyinka golaha shacabka Soomaaliya, taas oo maraysa maalmigii ugu damabeeyey xiligii loo asteeyey in lagu soo gabagabeeyo dhammaan doorashada  golaha shacabka,  waxaana qoaraal kasoo baxay lagu qeexay in baahi weyn loo qabo in la saxo habraacyada loo marayo doorashada.

“Maadaama wakhtiga kama dambeysta ah ee ay isku raaceen Golaha Waatshiga Qaran bishii Jannaayo 2022 uu ku eg yahay 25 Feberaayo, bah-wadaagtu waxa ay dhiirigelinayaan sii wadidda dardargelinta, si loo xaqiijiyo dhammaystir degdeg ah, laguna kalsoonaan karo  ee geeddi-socodka doorashada. Saaxiibada caalamku waxay ku celinayaan walaaca ah in qoondada boqolkiiba 30-ka ee matalaadda haweenka ee baarlamaanka aan la gaarsiineyn, waxa ayna ku baaqayaan in tallaabooyin degdeg ah lagu saxo kuraasta harsan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu xusay in baahi weyn loo qabo in doorashadu daahfurnaato si loo dhiso kalsoonida  iyo geedi-socodka iyadoo aan cidna culeys la saareyn,  waxaana dhinacyada Soomaalida ah loogu baaqay in ay ka fogaadaan wixii dhallin kara xasarad siyaasadeed iyo in ciidanka loo adeegsado sida qalabka oo kale,  sida lagu cadeeyey qoraalka.

“Saaxiibada caalamku waxay mar kale hoosta ka xarriiqayaan baahida loo qabo in sixidda qaladaadka habraaca loo wajaho si dhexdhexaad ah oo daah-furan si loo dhiso kalsoonida geeddi-socodka doorashada iyo natiijadeedaba. Sida lagu qeexay War-murtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) ee bishii Janaayo, musharrixiinta waa inay xor u ahaadaan inay u tartamaan caqabad la’aan. Suxufiyiintu ay awood u yeeshaan inay tebiyaan, bulshada rayidka ahna ay si xor ah u kormeeraan hawlaha doorashada cabsi gelin la’aan. Sidoo kale, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan madaxda inay ka fogaadaan sii baahidda xiisadda siyaasadeed, lana xaqiijiyo in ciidamada ammaanka aan loo isticmaalin sidii qalab siyaasadeed”

Qoraalka ayaa waxaa wadajir usoo saaray Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

Goobjoog News