U bood dhigaalka

Beledxaawo: Dagaal ay Qeyb Ka Yihiin Nabad Sugidda oo Lagu Gubay Saldhig iyo Goobo Kale

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya Beledxaawo ayaa sheegaya inuu socdo dagaal u dhaxeeya ciidanka nabad sugidda iyo shacabka deegaanka.

Goobjoogeyaal la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in dagaalka uu dhacay kadib markii ciidamo ka socda nabad sugidda ay xireen odeyaal, kadibna ay shacabku ka falceliyeen taasi oo keentay dad badan,  halka la gubay saldhigga iyo goobo ganacsi.

“Shacab careysan ayaa taliska nabadsugidda deganaayeen weeraray, xarunta degmada waa gubanaeysaa, taliyaha gaarigiisa waa la gubay, arrinta dhaceysa waa mas’uuliyad darro”, sidaasi waxaa yiri Col. Magaciisa qariyey.

Beledxaawo ayaa lagu waramayaa inuu ka jiro kacdoon ka dhan taliskii uu horay u magacaabay maamulkii hore ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Goobjoog News