U bood dhigaalka

Booliiska Soomaaliya oo Sheegay In Gacanta Lagu Dhigay Dad Ka Dambeeyey Weerarro Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Booliiska Soomaaliya ayaa ka warbixiyey weerarro maanta lagu qaaday dhowr saldhig oo ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu qaaday weerarro loo adeegsaday Bam-gacmeedyo, iyadoo uu dhaawac kasoo gaaray afar sida Booliisku uu shaaciyey.

Afhayeenka  ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay saldhigga degmmada Hodan oo kamid ahaa gobihii la weeraray ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay dadkii ka dambeeyey weerarradii dhacay.

“Waxaana gacanta lagu soo dhigay shan dhagar qabe oo wali wata Bambooyinkii ay tuureen kuwii kasoo haray, waxaana gacanta ku haaya ciianka Booliiska Soomaaliyeed, waxaana la waafajindoonaa shuruucda dalka uga dagsan” ayuu yiri.

Hadalka afhayeenka ciidanka Booliiska ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo maanta duhuradii Muqdisho saldhigyada ku yaalla qaar kamid ah laga maqlay qaraxyo loo adeegsaday Bom-gameedyo waxaana dhaawac uu kasoo gaarayafar ruux.

Goobjoog News