U bood dhigaalka

Burbur Dowladnimo ee Ka Dhalan Karta Musuqmaasuqa Doorashada 2020/2021

Sheeko:Dalka

Dr Maxamuud Maxamed Culusoow oo soo saaray qaoraal dheer ayaa waxa uu uga hadlay musuqa ka dhalan kara doorashada dalka ku soo wajahan ee sanadka 20201 la filay inay qabsoomto waxaana sidoo kale qoraalkan uu Dr Culusoow uga hadli doonaa arrimo ay midyihiin saamileyda siyaasadda, labada gole ee baarlamaanka iyo garsoorka.

Haddaba halkan ka akhriso qoraalka uu soo saaray Dr Culusoow

  1. Mas’uuliyadda diyaarinta doorashada waxay martaa 3 jaranjaro:

kow, waa in dhammaan saamileyda siyaasadda (Madaxweynaha, Golaha Wasirrada, wakiillada Barlamaanka Federaalka, madaxda dowlad Goboleedyada, ururrada bulshada ra’yidka, dhaqanka, culumada, hantileyda, wakiillada Xisbiyada, iyo Khubarada aqoonta gaarka u leh nidaamka doorashada) ka wada hadlaan habka doorashada mataaladda shacabka soomaaliyeed. Qodobbada 1, 3, 8, 10, 11, 16, 18, 20, 22, 34, 46, 47, 55, 58, 60, 63, 71, 89, 91, 111(G) ee Dastuurka KMG waxay wada tilmaamaya shuruudaha asaaska u ah nidaamka doorashada soomaaliyeed. Habka diyaarinta Sharciga doorashada waxay la mid yahay habka diyaarinta dastuurka oo wuxuu ku bilowda heshiis siyaasadeed oo xaqiijinaya wadajirta, xasilloonida, sinnaanta, iyo sinnaanta ka qaybgalka siyaasadda iyo talada dalka. Waa tiir dowladeed ee asaasi ah.

Labo, Barlamaanka Federaalka wuxuu ansixiya sharci ka tarjumaya heshiiska saamileyda wada gaareen iyo sharciyo kale oo Kaabaya sharciga doorashada sida sharciga Guddiga Madaxabannaan ee Doorashada Qaranka/Federaalka (GMDQ), sharciga Xisbiyada, iyo sharciga miisaaniyadda doorashada.

Saddex, fulinta, u hoggaansanaanta, iyo ilaalinta garsoorka ee dhammaan sharciyada la xiriira doorashada ayaa bilaabmeysa kaddib marka Barlamaanka Federaalka ansixiyo sharciyadaas Madaxweynahana saxiixo.

Jaranjaro kasta waxay u baahan tahay waqti, dadaal badan, iyo daacadnimo. Kaalinta iyo shaqada GMDQ waxay bilaameysa marka la soo saaro sharciyada doorashada oo kaamil ah. Sharciga doorashada iyo kan GMDQ ayaa xadidaya mas’uuliyadda iyo awoodda Guddiga. Maxkamadda waxay ku jirta jaranjarada 3aad, waayo khilaafaadka iyo dacwadaha Xisbiyada dhexdooda ah iyo kuwa doorashada waxaa lagu xallinaya sharciga.

  1. 2016 ayaa lagu heshiiyay in doorashada 2020 noqon doonto hal qof iyo hal cod (HQHC). Mas’uuliyadda dowladda la doortay 2017 waxay aheyd inay hoggaamiso hirgelinta nidaamka doorasho HQHC ee 3da jaranjaro maraya.

Nasiib darro, ahmiyadda 1 ee dowladda federaalka wuxuu noqday hirgelinta nidaamka keliga taliska oo ka soo horjeeda nidaamka doorashada dimoqradiga ah. Mabda’a asaasiga ee nidaamka doorashada HQHC wuxuu yahay in muwaadin kasta ee Soomaaliyeed ee buuxiya shuruudaha codbixiyaha uu xaq u leeyahay, ayna tahay in fursad buuxda loo siiyo inuu si xor ah u bixiyo codkiisa, uuna doorto xubin barlamaan oo matasha. Waa dhab in Soomaaliya ka jirto duruufo adag haseyeeshe durufahaas marmarsiiyo uma noqon kara ka baaqasho gudasha xil qaran oo la mid ah difaaca dalka, iyo sugidda jiritaanka dalka. 3 sano oo wada tashi iyo wax qabad la’aan ah waa dambi qaran.

Sidaa darted, waxaan cidna ka qarsooneyn in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo iyo xukuumadda uu hoggaamiyo aysan ku talagelin hirgelinta doorashada HQHC oo xalaal ah si loo adkeeyo dhismaha dowlad dimoqradi oo ka hana qaada Soomaaliya.

  1. Mar haddii arrintaas caddaatay, waxaa khalad ah in Madaxweyne Farmaajo, RW Kheyre, Barlamaanka Federaalka laga sugo xalka doorasho sharci ah ama heshiis siyaasadeed. Waxaa kaloo khalad ah in GMDQ laga sugo inuu ka hadlo ama soo bandhigo hab doorasho aan sharci barlamaan tifaftireyn horey ula kac loola daahay. Muddo kordhin waa sharci darro, waa inqilaab. Waxaa khalad ah in Barlamaanka Federaalka soomaaliyeed, gaar ahaan taagerayaasha Madasha Xisbiyada Qaranka u codeeyaan sharci aan aheyn sharci dhammaan qodobbadiisa la fulin karo. Ma bannaana in qoddobo sharciga ka mid ah lagu dhaqmo kuwa kalena lagu xadgudbo ama la iska indhatiro, ayadoo marmarsiyo laga dhiganayo duruufo aysan dastuurka, sharciga iyo maamulka dowladnimo oggoleyn. Waxaa taas ka daran in Barlamaanka Federaalka uusan ilaa maanta ansixin kaabayaasha sharci ee sharciga doorashada sida sharciga Xisbiyada oo fulintiisa u baahan tahay sannad iyo dheeri iyo sharciga miisaaniyadda doorashada oo gaareysa malaayin doolar.

Waxaa khalad aheyd in aqoonyahanno badan oo aan ka mid ahaa isku mashquulinnay talojeedinno doorasho uusan tilmaameyn sharciga doorashada ee Madaxweyne Farmajo saxiixay Febraayo 2020 waayo talo waxaa loo jeediya hoggaan niyadsan, qaba rabitaan doorasho xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda, diyaarna u ah wada tashi iyo howl fulin degdeg ah. Talojeedin wax ma tareyso madax daacad-darro ka muuqato.

Waxaa khalad ah in beesha caalamka cuskato ama xusto sharciga doorashada majaxaabinaya, burburinaya nabadda iyo dib u dhiska qaranka soomaaliyeed ee 12 sano lagu soo tacab iyo tiir beelay. Sharci waqti lumis iyo fidno abuuraya ma istaahilo taagerada beesha caalamka.

Waxaa khalad ah in mucaaradka aysan caddeyn 3 arrimood:

  1. In sharciga doorashada uusan dhaqangal noqon karin 2020/2021, ayna xaaran tahay ka hadalkiisa iyo cuskashadiisa. II. In mas’uuliyadda ka gaabiska diyaarinta nidaamka doorashada HQHC ay ku kooban tahay Madaxweyne Farmaajo, Xukuumadda, iyo hoggaanka Barlamaanka Federaalka.

III. In sida ku cad qodobka 60 iyo 91 ee dastuurka kmg muddada xilka Barlamaanka Federaalka ku eg tahay 26 disember 2020, muddada xilka Madaxweyne Farmaajo ku eg tahay 7 Febraayo 2021. Sidaa darted, waxaa lagama maarmaan ah inay dhacdo doorasho xalaal ah oo beesha caalamka xaqiijineyso ka hor dhammaadka muddada xilka Barlamaanka iyo Madaxweynaha ama in talada dalka lagu wareejiyo Madaxweyne iyo Xukuumad kmg ah muddo gaaban oo doorasho lagu qabanayo.

Waxaa tixgelin mudan in dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland caddeeyeen mowqifkooda ay ka taagan yihiin sharciga doorashada laga hadlayo, isla markaana xireen xafiisyada GMDQ si ay u mowqifkooda u difaacan.

Waxaa habbon in Aqoonyahannada soomaaliyeed aysan ku mashquulin talo doorasho kabkab ah (patch work) ama dhayid nidaam doorasho qaldan oo aan si buuxda uga tarjumeyn danta iyo mustaqbalka fog ee soomaaliya, hoggaankana u hayaan madax aysan ka muuqaan daacadnimo, dal iyo dad u turid, iyo dadaal wax qabad.

Beesha caalamka oo bixisa 97% taagerada bani’aadam, socodsiinta shaqda dowladda federaalka iyo kuwa Goboleedyada, difaaca iyo ilaalinta nabadgelyada dowladda Soomaaliya, taagerada diblomaasi ayaa ku guuldareystay in Madaxweyne Farmaajo ku qanciyaan inuu ilaaliyo dastuurka kmg iyo sharciga, inuu dhawro xuquuqda iyo xorriyada muwaadiniinta soomaaliyeed, inuu ka noqdo eryidda wakiilka Xoghayaha guud, inuu Ciidammada Dowladda ka soo celiyo Jubbaland (Gobolka Gedo) kaddib markii ay dhaceen dagaallo sokeeye oo dad badan ku barakaceen, inuusan hubka iyo hantida dadweynaha u isticmaalin la dagaalka siyaasiinta ay aragtida ku kala duwan yihiin ama mucaaradka, inuu ilaaliyo xorriyada saxaafadda madaxabannaan, inuu joojiyo khilaafka kala dhexeeya madaxda dowlad Goboleedyada, isla markaana talada hoggaaminta dalka la wadaago, inuu degdeg u caddeeyo doorashada la rabo inay dhacdo Nofember 2020, inuu dhammeystiro dhammaan arrimihii muhiimka u ahaa taabbagalka dowladnimada Soomaaliya sida dhammeystirka dastuurka kmg iyo qaab dhismeedka dowladda federaalka, dhismaha ciidammada dowladda hab waafaqsan nidaamka lagu unkay shirkii London May 2017, hakinta qorshaha xaraashka ceelal shidaal, dhismaha hay’adda maamulka Garsoorka, Maxkamadda dastuurka, iyo guddiga xuquuqul insaanka, iyo Guddiga Madaxabannaan ee Nabadgelyada.

Shacabka Soomaaliyeed waxay 3 sano iyo dheeri ka quustay in Madaxweyne Farmaajo la hadlo kana qanciyo arrimo badan oo saameyn ku leh aayaha Soomaaliya sida dacwada badda, xiriirka walaaltinimo ee Ethiopia, mideynta dalalka Ethiopia Soomaaliya iyo Eritrea, iyo heshiiska dowladda Soomaaliya ku heshiineyso 4 dekadood dalka, dhacdooyin muwaadiniin soomaaliyeed lagu dilay sabab la’aan, muwaadin soomaaliyeed ee si sharcidarro ah Ethiopia loogu gacangeliyay , jidadka xiran ee Muqdisho, dhaqaalaha dowladda ka heshay dibedda iyo sida loo isticmaalay, ujeedada iyo xogta xooggagga wadiyiinta inay shaqaale dowlad yihiin iyo in kale iyo cidda mushaarka siisa, waxay tahay “Nabad iyo Nolol?” iyo xeerka hoggaaminaya marka ay taagerayaan dowladda oo ka hadlayaan baraha bulshada, mowqifka uu ka qabo Ismaamulka Gobolka Benadir, iyo arrimo badan ee kale

Haddii beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ku guuldareysteen in Madaxweyne Farmaajo ku qanciyaan ama ka helaan wax ka qabashada iyo ka hadalka arrimaha kor ku xusan, waxaan shaki ku jirin in arrinta doorashada ku dambeyneyso cakirnaan, marin habaabin, iyo ku takrifal. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah in lagu talagalo go’aan keligi talis oo aan heshiis lagu aheyn, sharcidarro ah, oo dalka u horseedaya qalalaase siyaasadeed iyo nabadgelyo xumo kana dhalan karto burburka dowladda dhexe ee fadhigeedu yahay caasimada Muqdisho.

Waxaa lama huraan ah in Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Xisbiyada mucaaradka ( kuwa dowladda la jira kuma jiraan) iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed u toog hayaan, kana tabaabusheystaan in 75% ay musiibadaas suuragal tahay.

Goobjoog News