U bood dhigaalka

Cabdikariim Guuleed: Tallaabada Ay Maxkamadda ICJ Markii Saddexaad Dib ugu Dhigtay Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya Waxaa Ku Jira Tuhun Badan

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ka hadlay kiisaka dacwadda badda ee ay Kenya Muranka gelisay ayaa sheegay in tuhun badan uu ku jiro in markii saddexaad maxkamadda ICJ ay dib u dhigto dhageysiga dacwaddaas.

Dowladda federaalka ah ayuu u sheegay in looga baahanyahay faahfaahin maangal ah oo shacabka ay ku qanci karaan “Tallaabada ay maxkamadda ICJ markii saddexaad dib ugu dhigtay dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya waxaa ku jira tuhun badan, waana arrin u baahan iney Dowladda Soomaali ka bixiso faah faahin maangal ah, oo ay Shacabku ku qanci karaan. Inaan saddexdda jeerba la aqbalin codsiga Soomaaliya, oo mar walba ay maxkamaddu u jawaabeyso hal dhinac ayaa sidoo kale cabsi iyo shaki leh, ma Soomaaliya ayaan diidmo muujin, ma maxkamadda ayaa hal dhinac noqotay, ma dadka na matallaya ayaan aheyn kuwii saxda ahaa mise waxaa jira wax kaloo qarsoon, oo shacabka lagala cabsanayo ?!!”.

Dhanka kale waxa uu nasiib darro weyn ku tilmaamay in madaxweynaha dalka uusan wax hormar ah ka sameynqaddiyadda badda islamarkaana uusan waxba ku soo kordhin qaddiyaddan oo ah mid qaran.

“Waa nasiib daro weyn inuu madaxweyne Farmaajo iyo xukuumadiisa wax horumar ah oo muuqda aysan ku kordhin dacwada Badda, oo ah qadiyad qaran oo masiiri ah . Arrintu labbo ayey mid noqon kartaa in aaney Dowladdu wax dadaal iyo ahmiyad ah aysan siinin arinka dacwada badda, oo hal dhinac ay shaqadu iska wataan ama iney dowladdu ka waddo howlo qarsoodi ah maxkamadda banaankeeda.Si qadiyadda loogu xaliyo hanaan ka baxsan garsoorka. Haddaba mid ay tahayba waa ayaan darro waana wax mugdi galineya xaqa iyo xuquuqda umadda Soomaaliyeed. Maadaama kiiska loo dhigay bisha March 2021, waxaa madaxda Dowladda Federaalka ah la gudboon iney shacabka u daacad warramaan billaha yar ee u dhiman” ayuu yiri Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Ugu dambeyn shacabka ayuu ugu baaqay inay hubiyaan tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee kiiska badda “Guud ahaan shacabka Soomaaliyeedna waa iney aad u hubiyaan tallaabooyinkii u dambeeyay ee kiiska Badda. Cabsi xoogleh ayaa noo muuqata mana ahan in la sahashado xaaladdan”. Isaga oo intaas raaciyay inay jirto cabsi xooggan oo ay tahay inaan la sahalsan.

Maxakamadda cadliga adduunka ayaa markii saddexaad dib u dhigtay kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyadoo sheegtay in kiiskan la dhageysan doono 15 March 2021.

Goobjoog News