U bood dhigaalka

Cabdikariin Guuleed oo Soo Dhoweeyay Hadalkii Ra’isulwasaare Kheyre ee ku Addanaa Doorashada Qaranka

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebuugga uga hadlay hadal ka soo yeeray ra’isulwasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre kaasi oo ku addanna in doorashada Soomaaliya ay xukuumadda ka shaqeynayso inay waqtigeeda ku dhacdo ayaa arrinkaas si weyn u soo dhoweeyay isaga oo xukuumadda Kheyre ku booriyay howshaas.

Guuleed ayaa sheegay  inay lagama maarmaan tahay in doorashada dalka ay waqtigeeda ku qabsoomto islamarkaana laga talagaliyo dhamaan saamileyda siyaasadda taas oo uu tilmaamay inay horseedi karto xasiloono siyaasadeed.

“Waxaan soo dhaweynayaa hadalka ka soo yeeray Raisu Wasaare Xasan Cali Khayre ee tibaaxaya lagama maar-maannimada in dalka ay ka qabsoonto doorasho xiligeedii ku dhacda, lagana talo galiyo dhamaan saamileyda siyaasadeed, dalkana u horseedda daganaan iyo xasilooni siyaasadeed” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Waxa uu intaas ku daray Mr Guuleed inuu ku adkeynayo Kheyre iyo xukuumaddiisa inay ka dhabeeyaan mowqifkooda ku aaddan arrinkan oo uu xusay inay hoseedi karto  dalka uu la jaan qaado nidaamka dimuquraadiyeynta.

“Waxaan Mudane Khayre iyo xukuumaddiisa ku dhiirigalinayaa kuna adkeynayaa inay ka dhabeeyaan mowqifkooda ku aadan arinkaas, dalkana u horseedaan geedi socod doorasho hufan oo qeyb ka qaadata dowlad dhisidda iyo dimuqoradiyeenta dalka”.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay maadaxweynihii hore ee Galmudug in xukuumadda hadda jirta haddii ay ka dhabeyso arrinkaas inay ku heli doonto amaan iyo bogaadin “Waa hubaal in ka shaqeynta arinkaas ay ku muteysan doonaan amaan iyo bogaadin”. Doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo wali ma cadda nuuca ay tahay.

Goobjoog News