U bood dhigaalka

Cabdiraxmaan Caynte: Haddii aad Aragto Meel Saxaafadda La Beegsanaayo Waxaa Asal Ka Ah Madax aan isku Kalsoonayn

Sheeko:War

Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Caynte wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya oo wareysi gaara siiyay Goobjoog News ayaa waxa uu ka hadlay beegsiga saaxafadda xorta ah ay ku hayso dowladda Soomaaliya iyo cagajugleynta loo geysto wariyayaasha waxa uuna arrinkaasi ku micneyay in madaxda dalka aysan isku kalsoonayn hadiiba ay baacsanayaan saxaafadda madaxa bannaan.

“Haddii aad aragto meel saxaafadda la baacsanayo oo la beegsanayo waxaa asal ka ah madax aan isku kalsoonayn, dowlad aan isku kalsoonayn dhaqan ah digteetarnimo iyo kali talisnimo ayaa asal u ah, dalalka adduunka isku kalsoon oo madaxduudu isku kalsoonyihiin saxaafadda lagama beegsado, dhaqankaan horey ayaan u soo marnay ee ah in la beegsado xoriyadda hadalka” ayuu yiri wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiir Caynte ayaa tilmaamay in caburinta iyo cagajugleynta lagu hayo wariyayaasha ku sugan dalka ay haatan dowladda ka gudubtay islamarkaana suxufiyiin ku sugan dalka dibaddiisa ay u weecisay caburinta isaga oo tusaale u soo qaatay handadaadda hay’adda NISA ay u jeedisay wariyaha ka tirsan VOA laanteeda afka Soomaaliga ee Haaruun Macruuf isaga oo yiri “Caburinta iyo handadaadda saxaafadda lagu hayo hadda Alamtara wey soo dhaaftay suxufiyiintii dalka joogtay waa soo dhaaftay xitaa suxufiyiin dalka dibaddiisa jooga oo Haaruun Macruuf ka mid yahay oo u shaqeeya hay’ado Mareykan ah oo waajibkooda guta ayey handadaaddu gaartay, hay’adaahasi dadkii lahaana wey u jeedaan”.

Cabdiraxmaan Caynte oo sii hadlyay ayaa waxa uu ayaan darro ku tilmaamay in madaxda haatan talada haysa in iyaga oo ka yimid dalal ay saxaafaddu xortahay in waqtigaan  caburiyaan saxaafadda Soomaaliyeed ee xorta ah isaga oo ku sii daray in hay’adaha u dooda xorriyatul qawlka ay arkayaan dhaqan kaan lagu aamusinayo xorriyadda hadalka.

“Waxaa ayaan darro ah maanta inay madaxdeenu yihiin dad muddo dheer ka soo shaqeeyay dalal saxaafadduu xortahay madaxda la caayo, la aflagaadeeyo dhaqanka reer galbeedku waxa uu yahay marka aad qabato kursi ummad ka dhaxeeyo ayaa kuugu dambeyso wax aad adigu gaar u leedahay” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdiraxmaan caynte.

Ugu Dambeyn Caynte ayaa saxaafadda dalka u sheegay inay saarantahay waajib ah inay ka fiirsato waxa ay soo tabinayso islamarkaana ay sheekooyinkoodu noqdaan kuwa ku qotoma xog sugan, isaga oo ku baaqay inaan la soo tabin wixii dhib ku ah maslaxada dadka iyo dalka.

“Saxaafadda dalka waajibka saaran waxa uu yahay in ay aad uga fiirsato waxa ay soo tabinayso in waxooda ay xog ku dhisanyihiin waa muhiim waan ogahay dhowr iyo toban sanno ayaan ka soo shaqeeyay saxaafadda kuwooda adduunka ugu waa weyn mar walba suura gal ma ahan xogta inaad wada hesho laakiin in lagu dadaalo in suura gal ah iyo inaan la soo tabin wixii markaas maslaxda guud ee dadka iyo dalka dhib u keeni kara” ayuu ku soo gabagabeeyay Cabdiraxmaan caynte wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya.

Hadalka wasiirkii hore ee qorsheynta Cabdiraxmaan Cumar Caynte ayaa imaanaya iyada oo dowladda Soomaaliya ay cadaadis xoogan sanadkan saartay weriyeyaasha Soomaaliyeed iyada oo dagaal cad la gashay xuriyadda hadalka iyo helista macluumaadka isla markaana cagajugleyn iyo xarig xal uga dhigtay weriyeyaashii ugu firfircoonaa dalka.

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/229440484948362/?t=591

Goobjoog News