Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, kana tirsanaa barlamaanka Federaalka, Cali Khaliif Galayr ayaa maanta oo KHamiis ah ku guulaystay doorasho madaxtinimo oo ka dhacday deegaanka Saax-DHeer ee gobolka Sool.
Xubno metelayay maamul goboleedka KHaatumo ayaa u doortay Galayr inuu noqdo madaxweynaha maamulkaasi. Doorashadaasi ayay ku tartamayeen laba murashax oo keliya, kuwaas oo kala ahaa Cali Khaliif Galayr iyo madaxweynihii hore ee KHaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac Indho-Sheel.
Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada cod bixinta, iyagoo sheegay in Prof. Khaliif uu helay 21 cod, halka madaxweynihii hore uu helay 9 cod oo keliya.
Maxamed Yuusuf Jaamac Indho-Sheel oo ah murashaxa laga guulaystey ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee KHaatumo, isagoo balan qaaday inuu si wanaagsan ula shaqayn doono, isla markaana uu Eebe uga baryay inuu u fududeeyo xilka culus ee uu dusha u ritay.
Cali Khaliif ayaa muddooyinkii dambe ku howlanaa in uu noqdo madaxweynaha Maamulka KHaatumo, iyadoo uu maamulkaasi culaysyo siyaasadeed kala kulmayo mamaulada la deriska ah ee Somaliland & Puntlan, kuwaa oo mid waliba uu ku andacoodo in ay ka arimiyaan dhulka laga unkay KHaatumo.