U bood dhigaalka

Cali Yare Oo Balan qaad U Sameeyay Ciyaartooyda Gobolka Banaadir

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Cali Maxamed Wardheere (Cali Yare) ayaa kulan dhiirihgelin u sameeyay ciyaartooyda kooxda Gobolka Banaadir ee soo gaartay fiinalaha tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020,waxaana kulankan ka soo qeb galay Madaxda kala duwan ee Gobolka Banaaidr,iyagoo ciyaartooyda kula dardaarmay in ay ku soo bandhigaan ciyaar ku dhisan aqlaaq wanaag iyo xushmad.

“Waxaa kaliya aan sanadkan ku qanceeno waa in koobka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir la geeyo xafiiska Dowladda Hoose ee Xamar” ayuu sheegay Guddoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Cali Maxamed Wardheere (Cali Yare)

“Ciyaartooyda Gobolka Banaadir waxa ay dalxiis u tagi doonaan dhamaan Gobolada Soomaaliya” ayuu sheegay Agaasimaha Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Cantoobo

“Taageerayasha Galmudug Iyo Gobolka Banaadir waa in ay si dagan u daawadaan ciyaarta Fiinaalka tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020,waxaana labada koox u rajaynaa guul Iyo horomar” ayay sheegtay Basmo Caamir Shakeeti Oo ah Guddoomiye Ku Kigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir

 “Ciyaartooyda Iyo Taageerayaasha Gobolka Banaadir waa in ay ilaaliyaan Anshaxa iyo dulqaadka kulanka Fiinaalka ay la balansanyihiin dhigooda Galmudug”

Sidoo Kale Aqriso Xogo Kale Oo Ku Saabsan Kooxda Gobolka

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/maamulka-gobolka-banaadir-ayaa-kulan-dhiirigelin-ah-u-sameeyay-ciyaartooyda-iyo-macallmiinta-gobolkaiyagoo-u-rajeeyay-guul-iyo-horomar/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle