U bood dhigaalka

Caalamka Islaamka oo Maanta Lagawa Ciidayo

Sheeko:Dalka

Maanta waxaa dhammaan dunida islaamka looga dabaal degayaa munaasabadda ciidda Carafo ee sanadka 1441 Hijriya, oo ah ciida labaad islaam iyo bisha ugu ugu dambayso sanadka Hijriga.

Gudaha dalka ayaa siweyn looga dareemayaa munaasabadda lagu weynaynayo maalmaha ciidda Carafo, shacabka ayaana isugu hambalyeynayo iskuna bogaadinayo farxada maalmahaan.

Masaajidda ayaa kamida goobaha siweyn looga dareemo maalmaah waxaana saaka masaajida lagu arkayaa dad badan oo muslimiin ah kuwaas oo gudano salaadda ciidda.

Ciidda Carafo ayaa waxaa sidoo kale lagu gartaa in maalintaas umadda Muslimka ah ay gowracaan xoolo, taas oo ah waajib la saaray dadka awooda in ay bixiaan sadaqadaas.

Goobjoog News