U bood dhigaalka

Ciidamada Badda ee Talyaaniga oo Badbaadiyay 500 oo Muhaajiriin ah Agagaarka Xeebaha Liibiya

Sheeko:Caalamka

Ciidamada Badda ee dowladda Talyaaniga ayaa Isniinta maanta ah  badbaadiyay nolosha 500 oo muhaajiriin ah oo ay doonni kula jabtay biyaha Mediterranean-ka ee agagaarka xeebaha dalka Liibiya. Ciidankan ayaa wakaaladda wararka ‘Reuters’ u sheegay in Labo diyaaradood oo helicopter ah iyo Labo doomood oo ay la socdaan kooxaha badbaadada ay u direen si ay u raadiyaan dad kale oo ka badbaaday shilkan.

Labadan diyaaradood ee helicopters-ka ah ayaa ka duulay markab Talyaaniga ah oo la yiraahdo ” Garibaldi” oo qeyb ka ah howlgalka midowga Yurub ee la dagaalanka ka ganacsiga dalka ee Mediterranean.

Bilowgii sanadkan 2016 ayaa waxaa badda Mediterraneanka ku geeriyooday illaa 3100 oo qof oo  badda ku qariqmay. Warbixinada kale ee Qaramada Midoobay waxay sheegayaan in 105 oo qof oo muhaajiriin ah ay gaareen dalka Talyaaniga sanadkan, halka tirakoobyo kalena ay sheegayaan tirada muhaajiriinta ah ee Talyaaniga gaaray ay yihiin illaa 112 kun oo qof.

Goobjoog News