U bood dhigaalka

Ciidamo Lagu Daadiyey Adis Ababa iyo Xaaladda Guud

Sheeko:Dalka

Ciidamo Militari ah oo tiro badan ayaa lagu daadiyey saacadihii tagay gudaha caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa iyaga oo baaraya xaafadaha.

Tani, waxaa ay ka dambeysay kadib markii ay dhaceen dibaxbaxyo ay ku dhinteen in ka badan 80 qof oo ka soo horjeeday dil loo geystay fanaanka Haacaaluu.

Waxaa kale oo qalalaaso ka socdaa gobollada ay Oromada degto, oo fanaanka la dilay ayaa ahaa qowmiyaddaas, waxaa kale oo rabshadaha sii huriyey xariga hoggaamiye mucaarad oo isla Oromo ah waana Jawar Maxamed.

Waxaa ay arrimahan oo dhan saameyn ku yeesheen ganacsiga iyo isu socodka, waxaa kale oo la jaray korontada iyo Internet-ka.

Abiy Axmed, ra’isul wasaaraha Itoobiya ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo uga imaanaya Tigreega iyo xataa qowmiyadda uu dhashay Oromo.

Goobjoog News