U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Dib Ula Wareegay Deegaanka Moqokori, Hiiraan

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa xalay dib ula wareegay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa gabal-dhacii shalay waxay deegaankaasi ku qabsadeen dagaal kooban oo ay la galeen ciidanka dowladda.

Al-shabaab ayaa la sheegay iney si iskood ah xalay uga baxeen deegaankan, waxaana halkaasi dib ugu laabtay ciidanka dowladda, oo ay la socdeen kuwa AMISOM.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in xaaladda saakay ay tahay mid aad u deggan, iyadoo ciidamada dowladda wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro ay ku qaaday deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan waxay kula wareegeen deegaankaasi, iyadoo ciidanka dowladdana ay dib ugu noqdeen deegaankaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News