U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Ciidanka dowladda federalka Soomaaliya iyo kuwa Macawisleyda ayaa howlgallo ay  sameeyeen waxaa ay Al-shabaab kula wareegeen deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan, wararku waxaa ay sheegayaan in ciidanka ay gaareen deegaanka Ceel lahelay oo ay ku sugnaayeen xooggaga Al-shabaab .

Dagaalka u dhaxeeyay ciidanka iyo Al-shabaab ayaan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay, marka laga reebo in saraakiisha  ciidanku ay sheegeen in ay dileen mid ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab, balse ma aysan shaacin wax khasaare ah oo dhankooda soo gaaray ciidanka.

Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo kamid ah Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Wasiirka gaadiidka iyo Duulista hawada dowlad goboleedka Hirshabelle Muuse Salaad Wehliye iyo guddoomiyaha Gobolka Hiiraan’ Cali Jeyte Cismaan ayaa maalmahaan ciidanka la joogay.

Howlgallada ka socda gobolka Hiiraan ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo xildhibaanno ka tirsan federalka, wasiirro iyo maamulka Hirshabeelle, ciidanka ayaa Alshabaab kala wareegay deegaanno dhaca waqooyiga gobolka Hiiraan intii uu socday.

Goobjoog News