U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo Howlgallo Kula Wareegay Tuulooyin Ka Tirsan Shabeellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo nabad ilaalinta ATMIS oo howlgallo ka sameeyay gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in ay Al-shabaab kala wareegeen Tuulooyin dhowr ah oo hoos taga deegaanka Janaale, waxaana howlgalkaan sigaar ah u fuliyay Ururrada 83-aad iyo 84-aad, guutada 14October ee xoogga dalka iyo kuwa ATMIS qeybtooda Janaale.

Ciidamada isgarabsanaya ayaa howlgalkooda ku gaaray Tuulooyinka kala ah Cabananey,Beeraha baay, Siigaale, Malable iyo Buulo Aruundi oo dhamaantood hoostaga deegaanka Janaale oo ay horay ugu sugnaayeen Al-shabaab, sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha ciidanka , iyaga oo sheegay in ay sidoo kale gubeen Doon ay Shabaabku isticmaalayeen.

Taliyaha Ururka 84-aad, guutada 14-ka October Laba xidigle Cali Mahdi Beerdiide oo Howlgalka hogaaminayay ayaa waxaa uu warbaahinta qaranka u sheegay howlgalka intuu socday inay ku guuleysteen soo saarista Miinooyin ay Al-shabaab ay ku  Aaseen waddo isku xirta deegaannada Buufow Bacaad iyo Janaale sida uu hadalka u dhigay taliyaha hoggaaminaayay.

Ciidamada xoogga ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay howlgallo ka waday gobolka Shabeellaha hoose, waxaana howlgalkii ugu dambeeyay ay kula wareegeen deegaanno dhowr ah oo dhaca gobolka, waxaana marar badan saraakiishu ay sheegeen in ay howlgallada ay sii wadi doonaan, Al-shabaab ayaa wali ku sugan deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Shabeellooyinka.

Goobjoog News