U bood dhigaalka

Covid 19: Dowladda Federaalka Ah iyo Puntland oo Xogo Iskhilaafsan Soo Bandhigay Arbacadii

Sheeko:Dalka

Arrimaha la xiriira xoga Covid 19 ee Soomaaliya waxaa ay galab weliba dad la wadaaga xaaladaha dowladda federaalka ah iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada.

Haddaba, waxaa soo baxeysa in xogta ay arbacadii sheegtay dowladda federaalka ah ayaa  ka duwan  midda dowlad goboleedka Puntland.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo sidoo kale caddeysay inay jirin bukaanno cusub oo u geeriyooday ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 26, Koonfur Galbeed 9, Puntiland 8 iyo Somaliland 6.

Bukaannda cusub 38 ayaa rag ah 11-na waa haween. 1,219 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan, Geeridu waxay mareysaa 52, waxaana guud ahaan ka bogsooday 130 ruu

Dhankeeda, Puntland ayaa soo bandhigtay shax middaas ka duwan oo sheegeysa iney diiwaan geliyeen ilaa 13 bukaan oo cusub