U bood dhigaalka

COVID-19 oo Jira: Akhriso Liiska Dalal Ay Doorashooyin Guud Ka Dhaceen Labadii Bil ee La soo Dhaafay

Sheeko:Dalka

Xilli dunida uu jira COVID-19, oo cabsi badan ay jirto hadana taasi kama reebin dalalka qaar iney doorasho galaan, oo waajibka qaran ay gutaan.

Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda usoo bandhigeysaa dalal ay doorashooyin ka dhaceen labadii bil ee tagay.

Asia: Qaaradda waxaa ugu muhiimsanaa doorashooyinka ka dhacay middii koonfurta Kuuriya ka dhacday April 15, 2020, waxaa halkaas lagu doortay 300 oo ka tirsan golaha sharci dejinta, waxaana guuleystay xisbiga talada haya, waxaa xusid mudan in ay qeyb galeen dhammaan xisbiyada 35 ah, dadku waa codeeyeen, laguma arkin hal kiis oo COVID-19 waayo waxaa la sameeyey qaab aan cudurka ku faafin.

Afrika:

Dhanka Afrika waxaa doorashooyin aaday dalal badan oo ay ka mid yihiin Guinea, Cameroon, Mali iyo Benin.

Cameroon:  Dalka Cameroon waxaa sidoo kale ay doorasho baarlamaani ka dhacday February 9, 2020, tartanka oo axsaab badan ka qeyb galeen waxaa aqlabiyad helay xisbiga talada haya ee People’s Democratic Movement oo ku guuleystay 139 kursi oo ka mid ahaa 167-bada kursi ee loo tartamay.

Guinea: Doorasho baarlamaani ah ayaa ka dhacday dalka Guinea March 22, 2020, xisbiga talada haya waxaa uu helay 76 kursi oo ka tirsan kuraasta 114ka ah.

Mali:  Doorasho baarlamaani ah ayaa ka dhacday March 29, 2020 halka wareegga 2-baad la qabtay April 19, 2020 iyada oo loo tartamay 147 kursi oo ka tirsan golaha sharci dejinta, inkasta oo ka qeygalka uu yaraa hadana codbixinta waxaa ay u dhacday si caadi ah, waxaana ayna guusha raacday xisbiga madaxweyne Keita.

Benin: Dalka Benin ayaa todobaadkan waxaa uu qabtay doorashada deegaanka, waxaa ayna iska indhotireen digniino jiray.

Hadabba, dalalkaas doorashada galay waa dalal nala mid ah, oo doorasho geli jiray, oo dadkoodu diiwaan geshan yihiin, waxaana muuqa in ay daacad ka yihiin waajib gudashada doorasho, arrimahaas ooo meesha ka saaraya in dal uu keeno marmarsiyo ah dib u dhisigta doorashada arrimo la xiriira COVID-19

Goobjoog News