U bood dhigaalka

Daadad Ay Dad Ku Geeriyoodeen oo Ku Rogmaday Magaalada Qardho

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Qardho oo ay xarun uga dhigtay Puntland gobalka Karkaar ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay magaaladaasi ay ku soo rogmadeen daadad sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo burbur hantiyadeed.

Booliska gobalka Karkaar ee maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan saddex ruux ay ku geeriyoodeen daadadka ku rogmaday magaalada Qardho waxaana taliska booliska gobalkaasi ay intaas ku dareen inay jiraan burbur hantiyadeen oo ka dhashay daadadkaasi

Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaaladaasi ka da’ayay roobab xooggan kuwaas oo biyo badan dhigay xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar.

Maamulka gobaalkaasi iyo kan degmada ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen inay ku howlanyihiin sidii bulshada magaaladaasi loo gaarsiin lahaa gurmad degdeg ah islamarkaana dadka ay daadadku ku rogmadeen loo samata bixin lahaa.

Deegaannada maamulka Puntland ayaa waxaa ka curtay roobabkii gu’ga waxaana roobabkaasi ay mararka qaar geystaan khasaare kala duwan.

Goobjoog News