U bood dhigaalka

Daadad Saameyn u Geystay Beeraleyda Magaalada Xudur Ee Gobolka Bokool

Sheeko:Dalka

Beeraleyda Degmada Xuddur ee gobolka Bakol ayaa marlabaad dalagooda ku baaba’ay roobab daadad watay oo nawaaxiga xuddur ku da’ay iyadoo sanadkaan roobabka Gugg’a ay si wanaagsan ay uga da’ayaan guud ahaan dalka.

Daadadkaan oo marwalba sanadu barwaaqo tahay aafeeya beeraha degmada xuddur gaar ahaan kuwa qudaarta lagu beero waxay ka imaadaan roobabka ku da’a  dhulka taaga ah oo ilaa 50km waqooyi ka xiga magaalada Xudur .

Roobka Gugga oo daadad lasocdeen ayaa siweyn usaameeyey khudaar xilligii jiilaalka labeerey oo bisha ramadaan loogu talagalay in ay soo go’do iyo geedo waa weyn, waxaba jira dad sanadkii deyrta ee la soo dhaafey khudaartiis daadad latageen oo sanadkaan waxba beeran maadaama xiligii Deyrta uu khasaare badan ka soo gaaray Beeraha.

Guddoomiye kuxigeenka degmada xuddur Mustaf Aadan oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in saameynta dadalka maamulka uu wado qorshe wax looga qabanayo saamaeynta shacabka roobabka da’ayo.

Waxa jira togag waa weyn oo biyo keena magaalada Xuddur xilliga uu roob ku da’o meelo ka baxsan magaalada hase ahaatee ma muuqato qorshe biyo xireen loogu sameeyo daadadkaan soo noqnoqday magaalada Xudu.

Goobjoog News