U bood dhigaalka

Dab Xooggan oo Ka Kacay Garaash Ku Yalla KM-4 oo Lagu Guuleystay in La Damiyo

Sheeko:Dalka

Dab xooggan oo goor dhow ka kacay garaash ku yaalla agagaarka isgoyska KM-4 ayaa lagu soo waramayaa in lagu guuleystay damintiisa, waxaana daminta dabka ka qeyb qaatay gaadiidka dabdamiska ee shirkadda Hormuud iyo dadkii ka agdhawaa goobta uu dabku ka kacay.

Dabka ayaa ka bilowday goob garaash ah oo gawaarida la dhigto, ka dibna waxaa uu ku faafay goobo ganacsi oo ku dhowaa, dabka ayaana geystay khasaare hantiyadeed mana jiraan ilaa iyo hadda khasaare nafeed  oo la soo wariyey.

Goobta  dabka uu ka kacay ayaa waxaa ku dhowaa goobo ganacsi sida kuwa lagu iibiyo qalabka lagu dayactiro gawaarida iyo garaashyo sidoo kale lagu iibiyo garaawaarida lana dhigto.

Gaadiidka  dab damiska Shirkadda Hormuud  oo goobto soo gaaray ayaa isku dayey in ay ku guulaystaan daminta dabka, dadka shacabka ayaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya sidii loo damin lahaa dabka.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa inta badan uu dab ka dhashaa gooboha lagu iibiyo shidaalka kuwaas oo khasaare gaarsiiya ganacsiyada la dariska ah.

Goobjoog News