U bood dhigaalka

Dab Xooggan Oo Qabsaday Kaalin Shidaal Oo Ku Taalla Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka aan ka heleyno agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalaga Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow dab xooggan uu qabsaday kaalin shidaal oo halkaasi ku taallay.

Kaalinta shidaal ee dabku qabsaday ayaa waxa ay ka soo horjeedaa isbitaalka Banaadir, waxaan wararka ay sheegayaan in wali aan lagu guuleysan in la damiyo dabkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qof ku dhaawacmay dabkaasi loola cararay cisbitaal inkastoo aan faahfaahin rasmi ah aan laga helin qofkaasi sida ay wax u gaareen.

Waxaa socda dadaalo ay wadaan dadka oo lagu daminayo dabkaasi.

Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaya dabka qabsada kaalmaha shidaal.

Goobjoog News