U bood dhigaalka

Dad Gaajo iyo Haraad Ugu Geeriyooday Tuulooyin Hoostaga Deegaanka Basra

Sheeko:Dalka

Tuulooyin hoostaga deegaanka Basra xilligaan dadka ku nool waxaa ay  wajahaya  xaalad adag oo dhanka nolosha ah, taas oo ka dhalatay abaarta ku dhufutay guud guud ahaan dalka, haba ugu darnaadaan gobolada uu maro Wabiga Shabeelle oo dadku inta badan yihiin kuwa xoolo dhaqato iyo isugu jira Beeraleey,  kuwaas oo abaartu hoos u dhigtay wax soo saarkooda.

Maxamed Abdulqaadir Cismaan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dhowr tuulo oo ku teedsan jiinka Wabiga ay  xilligaan dadka degan wajahayaan xaalad adag oo dhanka nolosha ah, isaga oo xusay in aysan heysan wax ay cunaan ama ay cabaan, waxaana uu ugu baaq u diray hey’adaha samafalka iyo dowladda federalka in gurmad lala soo gaaro.

“Deegaannnada ugu daran Cali Boonaad, Lafgod, Johorboogo iyo Jilile, Biyo iyo Baad ayaa ugu daran, qaarkood guryaha ayey joogaan oo Beeraha Muslim ayey Hurguri u galaan, oo maalin walba la xiraayaa, waxaana loo xiraayaa nafta darteeda, liinta iyo Mooska ayey iska cunaayaan beeraha islaameed, umad rafaadsan oo Baadiyo ka timid waaye, biyaha ayaa noo daran Haraad ayaa loo dhimanayaa” ayuu yiri Maxamed Abdulqaadir Cismaan oo Goobjoog News  la hadlayay.

Maxamed oo hadalkiisa sii wato ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan dad kamid ah oo u geeriyooday saameynta ka dhalatay abaarta baahsan ee ku dhufatay deegaannadaan oo ku yaalla jiinka wabiga Shabeelle, isaga oo intaas ku daray in nolosha ay aad ugu liidato, qoysaska ayuu ku tilmaamay in ay ahaayeen xoolo dhaqato ku ceyrtoobay abaarta.

“Ilaa iyo hadda inta aan heyno waa 7 ruux, oo dhimatay Haraad dartiis, Jadeeco ilmaha waa ay heysaa oo nafaqo darro ayaa u sii dheer, marka dhibkaas ayaa na haayo, nolol aad u adag ayaan ku jirnaa,  annaga adeeg aan helnay majirto, wax aan hysano majirto, laakiin dad oo qoraabadooda wax ka helo waa jiraan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Maxamed Abdulqaadir Cismaan ayaa gabagabadii waxaa uu baaq u diray dowladda federalka iyo hey’adaha samafalka, isaga oo ugu baaqay  in deg deg ah loola soo gaaro gurmadka ay u baahan yihiin” Madaxweynaha sharafta leh waxaan leenahay Oonka iyo rafaadka gaajada noga daran naga soo caawiya” ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Deegaanka Basra oo isku xirtalabada gobol ee Shabeelooyinka ahna deegaan dhul beereed ah ayaa waxaa dadka tuulooyinka hoostaga ku nool ay xilligaan ay wajahayaan abaar baahsan taas ka dhalatay dhowr xilli roobaad oo deegaanka aysan ka d’in Roobab ku filan, dadka abaarta wajahaya ayaa kuwa waayay xoolihii ay dhaqan jireen.

Goobjoog News