U bood dhigaalka

Dad Lagu Dilay Galgaduud iyo Galmudug oo Ka Hadashay

Sheeko:Amniga

Wararka aan ka helayno gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaan hoostaga degmada Balanbal lagu dilay dad shacab ah, kadib markii lagu rasaaseeyey goob ay ku sugnaayeen.

Dilkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaanka xirsi-gurey oo 7km u jira Balanbal, waxaana falkaas lagu dilay ilaa 6 ruux, wararka qaar ayaana sheegaya in falkaan uu la xiriiro aano qabiil oo horay uga dhacay gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Dadka la dilay ayaa dhammaandood waxaa ay ahaayeen rag, waxaana lagu toogtay hal meel oo ay ku sugnaayeen, marxuumiinta ayaana magacyadooda lagu sheegay Gaarane Awil samatar,  Abdi Xersi Carab kaahiye, Abdi yare Mohamed Ow faarax iyo Cadaawe Xersi lugeey.

Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka Dowlad gonoleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo ka hadlay falka dhacay ayaa Tacsi u diray dhamaan qaraabada iyo eheladii marxuumintii maanta ku dhintay weerarkii dil wadareedka ahaa ee ka dhacay Deeganka Xirsi lugey.

Cali Daahir Ciid ayaa ciidamada amniga Galmudug awaamir ku siiyay in si dag dag ah aay howl galo u fuliyaan una soo qabtaan maleeshiyaadkii Dilalka ka Geystay duleedka deegaanka Balanbal ee gobolka Galgaduud.

Ugu dambeyn madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo nabada iyo badbaada shacabka Galmudug isagoo sheegay in tillaabo laga qaadi doono dadkii falkaas geystay. Ayaa lagu yiri qoraal uu soo dhigay.

Dil maanta ka dhacay duleedka deegaanka Balanbal ayaa waxaa uu salka ku haayo aano qabiil oo mudooyinkii u dambeysay u dhaxeysay la beelood gobolka wada dega.

Goobjoog News