U bood dhigaalka

Dad Loo Qabtay Dilka Xildhibaan Boqore

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay jiraan dad loo soo qabtay dilkii shalay magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore.

Jeneraal C/laahi Xasan Bariise, taliyaha hoggaanka waaxda canshuuradaha ee ciidanka Booliiska oo la hadlay warbaahinta wuxuu sheegay iney dilkaasi usoo qabteen Labo qof iyo sidoo kale gaari nooca raaxada ah oo ay wateen.

Bariise ayaa sheegay in weli ay ku raad-joogaan dad kale oo dilkaasi lagu tuhunsan yahay, islamarkaana ay gacanta kusoo dhigi doonaan cid walbo oo falkaasi lug ku yeelata.

Cid walbo oo falkaan loo soo qabto wuxuu sheegay taliyaha in cadaaladda la horgeyn doono.

Rag hubeysan ayaa shalay waxay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dileen Allaha u naxariisteen xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore.

Goobjoog News