Dadaal Saf-mid ah iyo isla-shaqeyn joogta ah Ayaa Lama Huraan ah: (Caqabadaha Ku Hor Gudban Dowlad-dhiska Soomaaliya)

Geeddiga dowlad dhiska Soomaaliya waxuu gaaray horumar la taaban karo marka la eego dhinacyada kala ah dhidibba u taagidda qeybaha Kala duwan ee uu ka sameysmi lahaa dal feedaraal ah, qaan gaarnimada fikirka nidaam-doon ee maanta ka muuqata bulshada Soomaalida, dhilinyarada wax baratay ee soo galaysa siyaasadda iyo horumarka kooban amni iyo adeeg ee ugu yaraan ka Jira Sal dhigyada Dowlad Gobaleedyada iyo caasimadda.

Dhismaha dowlad gobaleedyada waxey adeeg maamul iyo mid bulsho ka abuurtay ugu yaraan magaalooyinka ay ku dhasheen inkastoo ay dowladahaasi qaarkood curdan yihiin.

Inkasta oo guulahaasi la gaaray, hadana geeddiga nabadeyn iyo dowlad-dhis ee Soomaaliya waxaa ka jira culeysyo u baahan in la bixiyo dadaal saf-mid ah iyo isla-shaqeyn joogta ah oo ay yeeshaan labad heer dowladeed ee Kala ah dowlad gobaleed iyo dowladda dhexe oo sii kaashanaya kooxda la isku dhaho beesha caalamka.

Furimaha ay culeysyadaasi ka jiraan waxaa ka mid ah arimaha maamulka, mowduucyada aan la meel saarin ee ku hareereysa awoodaha talin ee ay kala yeelanayaan labada heer dowladeed iyo qeybsiga qeyraadka. Mugdi ku shaqeynta iyo musuqa ayaa iyana ka mid ah iimaha ragaadinaya qeybaha Kala duwan ee hey’adaha dowladda. Cilladahan aan soo sheegnay waxey caqabad ku noqdeen ka faa’iideysiga duunyada kooban ee la haysto si loo dhiso nidaam shaqadiisa ku filan.

Si kastaba, Dowladdu waxey qaaday ol-oleyaal loola jeeday in la xoojiyo hufnaanta dhinaca maamulka, waxaa la sameeyay siyaasado iyo shuruuc qoran oo ah tallaabo loo qaaday jihada saran. Dib u eegista dastuurka ayaa sidoo kale la rajeynayaa in ay turxaanbixso arrimo badan oo isku qasan.

Dib u habeynta gaabisa ee dhinaca amniga iyo dib u heshiisiin la’aanta waxey qeyb ka tahay caqabadaha ku hor gudban in la xaqiijiyo qaran deggan oo Soomaaliya ah. Maqnaashaha islaxisaabtan qeybta amniga ee Dowladda iyo hubka fudud ee suuqyada loo dusiyo ayaa sababtay in aanay rayidku helin damaanad bad-qab ee amnigooda la xiriirta.

Si kastaba, dowladdu waxey meel marisay heshiisyo shaqo oo amniga ku saabsan kuwaas oo lagu saxiixay shirki London, heshiisyadaas waxey u dhidib dhigeen dib u heybeynno dhowr ah oo laga sameeyay qeybta amniga iyo la dagaalanka Alshabaab.
Waxaa kaloo Soomaaliya culeys ballaaran ku haya saameynta taban ee isbaddelka iyo diiqoowga cimilada taasi oo markasta ka abuurta dalka xaalado bani’aadannimo. Waxaa dhaca barakac, cudurrada faafa iyo macluul.

Fursadaha daqli abuur oo yar oo ay wehliso kobaca bulsho ee dalka ayaa dhalinyaro badan u nugleysay in loo jiido dhinaca colaadaha halka qeyb Kalana ay ku qasabtay in ay galaan safarro hails ah iyagoo filaya in ay nolol tan ay ku jiraan dhaanta ka helaan dibadaha.

W/Q: Axmed Cabdiraxmaan

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan

Si, Goobjoog News u soo daabacdo qoraalkaaga…..fadlan ku soo dir; info@goobjoog.com

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW