U bood dhigaalka

Dadaallo Lagula Dagaalayo Anyaxa oo Ka Socda Gobollada Soomaaliya.

Sheeko:Dalka

 

Hay’adda Qaramada Midoobay ee Cuntada iyo Beeraha (FAO) waxa ay maalgelisay Mac-hadka Horumarinta iyo u Adkeysiga aafooyinka ee SADAR iyadoo kataageereysa Mashruuca u Awoodsiinta dadka Hawlgalka xakameynta Ayaxa/Anyaxa ee Soomaaliya.

Mashruucaan ayaa la fulinayaa iyadoo gacan laga helayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyo Wasaaradaha Beeraha ee dhammaan 5ta Gobol ee Soomaaliya.

Hadafka mashruuxan aya ah in la kubciyo cilmiya ladagaalan ka ayaxa/anyaxa.

360 ka-qaybgalayaal oo laga so xulay Shanta Dowlad-goboleed ayaa lagu tababbaray farsamooyinka xakameynta ayax; Ayax Doogsi ecology iyo bayoolaji, Habka sahaminta iyo Bayoolajiga, kaydinta sunta cayayaanka iyo haanta qashinka, qiimaynta saamaynta deegaanka ee hawlgalka buufinta anyaxa iyo Daaweynta iyo tijaabinta codsadayaasha sunta cayayaanka.

Mashruucu wuxuu sidoo kale qabtey ololaha wacyi gelinta bulshada farsamooyinka xakameynta ayaxa/anyaxa. Wacyi galinta aya laga qabtey 164 tuulo oo ku yaal 5ta Gobol ee Somaaliya.
6000 oo qof ayaa ka faa’iiday wacyi galintaan.

Iyada oo la tixgalinayo masiibada hadda jirta ee Covid-19 oo saameysay dalka, SADAR waxay si firfircoon uga khafiifiyayn tababarada iyo kulamada bulshada.

Goobjoog News