U bood dhigaalka

Dadka Kasoo Hayaamaya Abaarta oo Soo Gaaraya Xeryaha Barakacayaasha

Sheeko:Dalka

Dhibaatada banii’aadnimo iyo abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa kasii dareysa, waxaana xeryaha barakacayaasha soo gaaraya daqiiqad walba dad dhibaateysan oo u badan haween, caruur iyo da’.

Sida ay todobaadkan sheegtay hey’adda OCHA, 771,400 oo qof ayaa kasoo cararay hoygooda iyaga oo raadinaya biyo, cunno iyo gabbaad.

Xerada Baladul Amiin ee Garasbaaley ayaa ka mid ah meelaha ay dadkaasi kusoo barakaceen iyada la hadlay Goobjoog TV ayaa sheegay dhibaatooyinka kala duwan ee heysta.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ahmiyad gaar ah siineysa arrimaha banii’aadnimada iyada oo u magacawday ergay gaar, laakin dhibaatada jirta ayaa ah mid aad u daran sida ay ku warameyso qaramada midoobey.

Bilihii January ilaa April ee sanadkan waxaa ay dhibaato banii’aadnimo saameysay ilaa 2.4 million, taasi oo hadddii aan wax laga qaban ka dhigeysa in ay waxyeello kala duwan soo gaari doonto ilaa 7.1 million dhammaadka sanadkan.

Goobjoog News