U bood dhigaalka

Dagaal Khasaare Garystay oo Ka Dhacay Baladweyne

Sheeko:Amniga

Dagaal geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta waxaa uu dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii ay dagaalameen ciidammada ilaalada madaxtooyada Baladweyne iyo kuwa maleeshiyaad ah.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in kooxda weerarka soo qaaday ee maleeshiyada ah ay ka gadoodsanaayeen kursiga tirsigiisu yahay HOP#010 uu ku fadhiyey Cabdirisaaq Axmed Maxamed (Jindi), iyaga oo dalbanayey in lagu tartamo kursiga.

Inta la xaqiijiyey labo qof ayaa ku geeriyootay oo mid kamid ah uu yahay ciidanka dowladda, sedex kalena waxaa soo gaaray dhaawac oo dhinacyadii ku dagaalamay ah Baladweyne, xaladda guud ee magalada ayaa waxaa laga dareemayaa kacsanaan.

Kursiga ayaa waxaa la sheegay in beesha iska leh ay dalbatay inaan cid gaar ah loo xirin laguna tartamo, waxaana wararku intaas ku darayaan in shaqsi gaar ah Hirshabeelle u xirtay kursiga, taasna ay dhalisay in ay weerar soo qaado maeeshiyada.

Goobjoog News