U bood dhigaalka

Daraasad: Wax Ka Ogow Cudurrada Ugu Badan ee Soomaalidu u Dhintaan, Tayada Dhakhaatiirta, Goobaha iyo Arrimo Kale

Sheeko:Dalka

Daraasaddan uu soo saaray machadka Heritage ayaa looga hadlay arrimo badan oo khuseeya heerka caafimaadka dalka sida cudurrada, tayada goobaha iyo hawlwadeennada, nadaafadda iyo fayodhowrka, hooyada iyo dhallaanka iyo kaalinta dowladda ee arrimahaas la xiriira.

Goobjoog News waxaa ay akhrisratayaasheeda la wadaageysaa qeybo ka mid ah daraasaddan uu soo akhriyey Cabdi Caziz Gurbiye.

Ugu horreyn, waxaa daraasadda ku xusan in 2016 ay hey’adda Sara ogaatay in 1,074 oo ahaa qalabka caafimaad ee dalka yaaley ay ka shaqeeyaan uun 799.

Waxaa kale oo warbixinta ku jirtay, isbitaallada gaarka ah ayaa daboola baahida caafimaad ee 80% dadka Soomaaliyeed halka isbitaallada guud aaney ka jirin meelo badan oo dalka ah.

2016: Waxaa jiray ilaa 3,289 goobo caafimaad oo gaar loo leeyahay, 79% waa magaalooyinka halka 20% ay miyiga ku yaalaan.

2019-kii, sida ay sheegeen wasaaradda qorsheynta iyo bangiga adduunka,  hey’adaha deeqaha bixiya waxaa ay lacag ahaan caafimaadka dowladda ku bixiyeen sanadihii 2017, 2018 iyo 2019-kii: $109.3 Milyan, $108.6 Milyan iyo $137 milyan.

Hooyada iyo Dhallaanka:

Mid ka mid a h 7-bada caruurta ah waxaa ay dhintaan inta aan 5 sano gaarin, waana dalka ugu badan ee bariga Mediterranean.

Dhimashada hooyada: 2016 waxaa uu ratioga ahaa in 726 hooyo ay ka dhintaan 100,000 halka xilliga dhalmada ay khatar ugu jirto in 22 haween ah ee laga umuliyo ay mid dhimato.

Nadaafadda iyo Fayodhowrka: 

Soomaaliya waxaa ugu badan oo dilaa ah keena la’aanta nadaafadda iyo fayodhowrka oo ah labada caafimaadka ku xiran yahay. 45% wax ka yar ayaa helo biyo la cabi karo halka hal-afartii qofba uu helo biyo nadiif ah, arrimahan oo qeyb weyn ka qaata cudurrada iyo geerida hooyada iyo dhallaanka.

Cudurrada:

Cudurrada ugu badan ee Soomaalida u dhintaan ma aha kuwa is qaadsiiyo ee waa qaar kale sida dhimirka(1.9) milyan, Sonkorta(537) kun, Cancer(42) kun, Cudurada ku dhaca beerka(2.7) iyo kuwa wadnaha(103) kun.

Shaqaalaha iyo Goobaha:

Sida ay sheegtay WHO 2014-kii, dadka xilligaas ka shaqeynayey guud ahaan caafimaadka waxaa lagu qiyaasay 9,566 qof, oo isugu jira dhakhaatiir, kalkaaliye iyo umulisooyin, 0.34 ayaa ku soo aadaya 1,000 qof,

2016-kii, WHO waxaa ay sheegtay in hal dhakhtar uu ku soo aadayo 20,000 oo buukaan Soomaali ah halka 4 kalkaaliso iyo hal umuliso ku soo aadayaan 20,000.

Soomaaliya waxay u baahantahay in la shaqaaleeyo sanadka 2030-ka, ilaa 97,700 oo isugu jira dhakhaatiir, kalkaaliye iyo umuliso, 24,350 dhakhtar, 73,350 kalkaaliye iyo umuliso ah.

Waxbrasho:

Dadka ka shaqeeya goobaha caafimaadka ma helaan waxbarasho formal ah taasi oo khatar gelineysa nolosha dadka. Haweenku guud ahaan waxaa ay gaarayaan ilaa 42% dhakhaatiirka Soomaaliya.

Waxaa ay baahi xooggan ka jirtaa dhakhaatiirta leh takhasusaadka gaarka ah ee la xiriira taranka, dhimirka, dhallaanka.

2019_kii, waxaa ay jaamacadaha iyo xarumaha tababarka caafimaadka bixiyeen ilaa 63 koorso, mana laheyn qorshe, qalab waxbarasho iyo manhaj toona, oo ay intaas dheer yihiin macalimiin la’aan.

Dowladda Federaalka h iyo Dowlad Goboleedyada:

Dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada waxaa la ogaaday in aaney miisaaniyad meel u dhigin tababarka shaqaalaha caafimaadka.

2019: Maamullada ka duwan, waxaa hoos taga ilaa 661 goobo caafimaad, (305 Puntland, 29 Koonfur galbeed, 92 Galmudug, 93 Jubbaland, 81 Hirshabeelle iyo 61 oo Banaadir ah.

Lama yaqaano shaqaalaha saxda ah ee caafimaadka ee dowladda, laakin warbixin ay soo saartay wasaaradda caafimaadka 2019kii, waxaa ay shaqaalaha ku sheegtay 6,918 qof, Hirshabelee iyo Koonfur Galbeed waa labada meel ee ugu badan ee ay ku yar yihiin shaqaalaha caafimaadka.

Waxaa dowladda lagula taliyey iney xoogga saarto caafimaadka, lana kaashato deeq bixiyeyaasha, lana tababaro ugu yaraan 90,000 oo qof.

Goobjoog News