U bood dhigaalka

Deeq La Gaarsiiyey Qoysas Ku Dhaqan Gobolka Banaadir

Sheeko:Dalka

Qoysas kamid ah kuwa Danyarta ah ee ku nool degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir  ayaa waxaa maanta la gaarsiiyay deeq raashin ah, waxaana goobta ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir, oo ay  hoggaaminaysay guddoomiye  ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyi galinta Basma Caamir Shakeetti.

Deeqdaan maanta la gaarsiiyay dadka danta yar ayaa waxaa ay ka timid dowladda Cumaan, iyadoo  ka faaiidaysteen qoysas ku nool sedex degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, dadkii deeqda la gaarsiiyay ayaa ka mahadceliyey, waxaana xilligaan dalka ka jira sicir barar baahsan oo si gaar ah u saameeyay dadka dantayar.

Deeqda ayaa waxaa ay ka koobneyd oo lasiinayay qors waliba Bur Bariis, sokor, Caano iyo Timir iyo sidoo kale Kartoon Baasto ah, taas oo waxban ka kaafin karta dadka dan yarta ah ee ka faaiideystay deeqdaan, waxaana dalka ka jirta Abaar baahsan taas oo saamaysay dadka miyi iyo magaalo ku nool.

Goobjoog News