U bood dhigaalka

Deg Deg: Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaaro geeystay oo ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho .

Khasaare xooggan ayaa ka dhashay Qarax oo goordhaw ka dhacay bartamaha suuqa Bakaaraha , qaar ka mid ah dadka ka ag dhawaa qaraxa oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ugu yaraan 6 ruux ay ku dhaawacmeen ,waxa uuna ka dhacay aga gaarka Bangiga Salaam Somali Bank.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya nooca Qaraxa, iyadoo Macluumaadka qaar ay sheegayaan inuu ka dhashay Haan Gas oo taalla xarun Ganacsi oo lagu magacaabo Waayo-Arag Electronics.

illa iyo hadda ma cadda tirada rasmiga ah ee qaraxa ku dhimatay balse wararka aan ka helnay ayaa sheegay in ay jiraan Dhimasho, sura galna ay tahay in dhaawucu intaas ka badan yahay .

Wixii ku soo kordha warkaas kala soco Goobjoog News