U bood dhigaalka

Degmada Aadan Yabaal oo Laga Hirgeliyay Leyrka Cadceeda Ku Shaqeeya

Sheeko:Amniga

Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe oo dhowaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka saareen dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa laga hirgeliyay Leyrka cadceeda ku shaqeeya, kuwaas oo loogu talo galay la adeegsado xilliyada Habeenkii.

Magaaladaan oo 4 bilood ku jirta gacanta dowladda ayaa waxaa hadda ka socda hormarro kala duwan waxaana dib loo howlgaliyay xurumaha Cafimaadka, Dugsiyada Quraanka iyo Saldhiga Booliska, waxaana la filayaa in dhowaan ay yeelato Garoon ay diyaaraduhu ka duulaan.

Leyrarka ku shaqeeyo cadceeda ee laga hirgelyay ayaa waxaa ay qeyb weyn ka qaadan doonaan isku socodka dadka  degmada iyo ganacsiga xilliyada habeenkii ah, iyadoo  lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaana uu wax badan u tari doonaa bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud oo dhowaan safar ku tagay ayaa sheegay in Aadan Yabaal ay tahay degmo qadiimi ah marka loo eego 18-ka gobol ee dalka, isaga oo ballan qaaday in ay heli doonto hormarro dhaqsi ah.

Xukuumadda Danqaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisulwasaare Xamse ayaa sheegtay in deegaannada laga saaray Al-shabaab la geyn doono waxyaabaha aasaasiga u ah dowladnimada, sida caafimaadka waxbarashada iyo adeegyada kale  si ay bulshadu ula jaanqaado casriga.

Dowladda ayaa waxaa sidoo lagu wadaa in mashruucaan ah ay ka hirgeliso deegaannada laga saaray  Al-shabaab, kuwaas oo bulshooyinka degan ay u baahan yihiin, waxaana bilihii lasoo dhaafay magaalooyin dhowr ah waxaa ay soo galeen gacanta ciidanka dowladda.

Goobjoog News