U bood dhigaalka

Dhageyso: Al-shabaab Oo Gaadiid Shacab Leeyahay Ku Gubay Bakool

Sheeko:Amniga

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa gaadiid ay lahaayeen dad shacab ah oo dagaalyahannada Al-shabaab ku gubeen deegaan ku dhow degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Wariye Xasan Nadaara oo ku sugan degmada Waajid ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in weerarkan oo dhacay xalay saq dhexe uu ku dhintey qof shacab ah oo gaarigan la socday.

Goobta falkaan uu ka dhacay ayaa degmada Waajid u jira 19-km, waxayna gaadiidkan ka yimaadeen dhanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Al-shabaab oo go’doomiyey degmada Waajid ayaa guba gaadiid walba oo degmadaasi ku wajahan oo ay qabtaan, iyadoo dhowaan Al-shabaab ay nawaaxiga degmada Waajid ku gubeen 243 gaari dameerro raashiin usoo waday degmadaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News