Dhageyso: K/galbeed Oo Laga Dalbaday Dedejinta Magacaabista Guddiga Doorashada

Dhowaan waxaa la filayaa in doorasho ay ka dhacdo magaalada Baydhabo, taasi oo ah midda madaxweynaha ee maamulka K/galbeed.

Iyadoo waqtiga uu dhow yahay ayaa illaa iyo haatan waxaan la dhisin guddigii doorashada ee maamulkaasi, taasi oo walaac ku beertay siyaasiyiin iyo sidoo kale musharraxiin, kana baqayaan in dib u dhac ku yimaado doorashadaasi.

Senetor Xuseen Sheekh oo akhrinayey qoraal ay wadajir usoo saareen xubnaha aqalka sare ee kasoo jeeda K/galbeed ayaa sheegay iney dalbanayaan dedejinta dhismaha guddiga doorashada.

Sidoo kale waxa uu sheegay mudanahan iney ka digayaan farogelin lagu sameeyo doorashada K/galbeed.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Related Articles

28 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW