U bood dhigaalka

Dhageyso: Tiiceey Oo Ku Baaqay Xallinta Khilaafyada Siyaasadeed Ee Galmudug

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Maxamed Aadan Tiicey oo xalay xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyey magaalada Cadaado ee Galgaduud ayaa ku dheeraaday ka hadal arrimo badan oo reer Galmudug ah.

Waxa uu soo hadal qaaday khilaaf siyaasadeed ka jira deegaannada Galmudug, isaga oo ku baaqay in la xalliyo wax walbo islamarkaana jiritaanka Galmudug tahay Muqaddas.

Tiicey ayaa ugu baaqay beelaha 11-ka ah ee ku midoobay dhisitaanka Galmudug iney isku yimaadaan oo ay ka tashadaan badbaada Galmudug.

“Waxaan aaminsanahay Galmudug in ay tahay muqaddas, aniga kama bixi karo idinkana kama bixi kartaan, balse waxaa xaqiiqo ah 11-kii qabiil ee ku midoobay Galmudug iney dhibaato jirto, marxalad siyaasadeed oo qasan jirto, qaabkii looga bixi lahaa loona badbaadin lahaa Galmudug waxay u baahan tahay maskax iyo feker qoto dheer, waxaan qabaa in dadkii dhistay Galmudug isku yimaadaan kana tashadaan sidii ay Galmudug u badbaadin lahaayeen” ayuu yiri Tiicey.

Ugu dambeyn, Tiicey ayaa u sheegay cid walbo oo reer Galmudug ah in ay kaali ka qaadato jiritaanka iyo badbaada Galmudug.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News