U bood dhigaalka

Dhaxal Sugaha Imaaraadka oo Gargaar Banii’aadnimo Soo Gaarsiiyey Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta waxaa ay Soomaaliya soo gaarsiisay gargaar Baniiamnimo, kaas qeyb ka ha u gurmashada dadka abaartu ay saamaysay ee ku sugan guda dalka, tanina waa qeyb ka mid balanqaadyo ay horay ugu sameeyeen ra’isul wasaare Rooble oo ku guuleystay soo celinta xiriirka labada dal, kaas oo mugdi galay waayihii dambe.

Diyaarad aheyd nuuca xamuulka qaado ayaa waxaa ay soo gaartay goornka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana dowladda Soomaaliya gargaarka u gudoomay wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya Khaddiija Maxamed Diirye waxaana  gaarkaarka uu ka yimid hey’adda bisha Cas ee Imaaraadka Carabta, oo todaabkii hore uu UAE kula kulmay Rooble.

Saxaafadda Imaaraadka ayaa qortay in hey’adda Bisha Cas ayaa kaalmada keentay iyada oo fulineysa amarka Maxamed Bin Zaa’yid Ala Nahyaan oo ah Dhaxal sugaha Imaaraadka, waxaana gargaarkaan uu soo aaday iyadoo dalka intiisa badan ay ka jirto abaar saameysay dadka iyo duunyada, meelaha qaar waxaa guray ceelashii dadku iyo xooluhu ay biyahaka  cabayeen.

Goobjoog News