U bood dhigaalka

Dhibaatooyinka loo geystay saxafiyiinta Soomaaliyeed muddadii uu joogay Farmaajo 2017-2022

Sheeko:Amniga

Tan iyo markii la doortay madaxweynihii hore  Maxamed Farmaajo, waxa ay xarumaha warbaahinta iyo wariyayaasha ay la kulameen tacaddiyo ka baxsan xuquuqda aadanaha iyo tan shaqada.

Hadaba waxaan warbixintaan aan idinkula wadaageenyna Dhibaatooyinka loo geystay saxafiyiinta Soomaaliyeed muddadii uu joogay keligii taliye Farmaajo 2017-2022.

2017: Sida ku cad xogta UNSOM HRPG, 8 saxafi oo shaqadooda ku guda jiray ayaa la dilay inta u dhaxeysay 2017 ilaa July 2018, oo ay ku jiraan saxafiyiin ka shaqeynayey Kalsan iyo mid kale oo ka hawlgeli jiray SBS TV.

Waxaana sanadkaas oo ahaa kii ugu horeeyay ee mudda xileedka Farmaajo, soo ifbaxday durbadiiba cadaadis xooggan oo ay la kulmayaan saxafiyiintaiyo xarrumaha warbaahinta dalka.

2018: Waxa uu noqday sanad xukunka iyo kooxda Farmaajo ay meeshiisa ka sii wataan caburinta iyo tacadiyada ka dhanka ah saxaafadda.

Intii lagu guda jiray sanadkaas 20 saxafi ayaa sifo aan sharci ahayn xabsiga lagu dhigay, iyadoo la dilay hal cameraman, kaas oo ku baxay gacanta ciidamada dowladda, sida ay diiwaan gelisay UN-ka

2019: Sida ay qortay hey’adda qaramada midoobey ee xuquuqda aadanaha, 2019-kii ilaa 81 saxafi ayaa jir ahaan waxyeelo loo geystay, waxaana la iska xiray 53 saxafi, dhammaan tacaddiyaan ayaa ka dhacay  koonfurta Soomaaliya iyo meelaha uu ka taliyey maamulka Farmaajo.

2020: Sanadkan waxaa la dilay labo saxafi halka 4 kale la dhaawacay, kalabar dowladda Farmaajo ayaa geystay, waxaa kale oo ay iska xirtay 56 saxafi oo uu ku jiro tafaftiraha guud ee Goobjoog Cabdi casiis Axmed Gurbiye, halka albaabada loo laabay 5 warbaahin oo maxali ah.

2021: Sida ay baahisay SJS oo ah urur u dooda saxafiyiinta , 65 wariye ayaa iyada oo aan loo marin sifo sharci ah la xiray , halka 7 warbaahin la xiray, iyada oo la dilay 2 saxafi.

Sikastaba intii uu dalka joogay nidaamka Farmaajo waxaa dalka isaga cararay oo ka baxay 46 wariye, kadib markii ayla kulmeen handaado iyo caga juglayn kaga imaaneysa nidaamka Farmaajo.

Goobjoog News