U bood dhigaalka

Dhismaha Wajiga Labaad Ee Waddada Ceel Daahir iyo Geerigaabo oo Bilowday

Sheeko:Amniga

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Cismaan Karaash  ayaa maanta  xarigga ka jaray dhismaha wajiga labaad ee waddada xiriirisa  Ceel Daahir iyo Ceerigaabo, oo dib loo bilaabay hakad ay gashay kadib

Dhismaha waddadaan ayaa soo socotay muddo sanado, waxaana lagu dhisayey mashruuca isku tashi oo ay iska kaashanayaan maamulka Puntland iyo ganacasado, waxaana hadda bilowday wajigii labaad ee lagu saarao Laami.

Madaxweyne ku-igeenka oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyey shaqada wangaasan ee wasaaradda howlaha guud ay ka qabatay dhismaha waddada, waxaana uu intaas ku daray in waddadaan ay muhiimada gaar ah leedahay.

Goobjoog News