U bood dhigaalka

Dowaladda Soomaaliya oo War Ka Soo Saartay Diyaarad Ku Dhacday Gobalka Baay

Sheeko:Dalka

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay war ka soo saarta diyaarad sidday xamuul oo shalay gelinkii dambe ku dhacday degmada Bardaale ee gobalka Baay.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in diyaaraddaasi ay lahayd shirkadda Afrcan Express islamarkaana y dowladda Soomaaliya baaritaan ku sameyn doono sababta rasmiga ah ee ka dambeysay inay diyaaraddaasi soo dhacdo.

Sidoo ale dowladda federaalka ah ay ka tacsiyadeysay dadkii shilkaasi ku geeriyooday.

Wasiirka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi oo la hadlay VOA ayaa sheegay in diyaaradda ay la socdeen 6 ruux  oo labo ka mid ah ay ahaayeen Soomaali gabi’aanba ay geeriyoodeen hadda ay wadaan baaritaanno ku aadan sababaihii ka dambaysay in ay soo dhacdo diyaaradda wixii faahfaahina ay dib ka soo sheegayaan lana wadaagi doonaan warbaahinta natiijada baaritaanka.

Halkaan ka akhriso qoraalka wasaaradda

No photo description available.

Goobjoog News