U bood dhigaalka

Dowladda Faransiiska oo Soomaaliya Ka Cafisay 306 Milyan oo Dollar

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in wadanka France oo kamid wadamada lacaha badan ee deymaha ah ku leh Soomaaliya uu ka cafiyey lacag gaareyso 36 Milyan.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya iyo  Safiirka Dowladda Faransiisika ee Soomaaliya iyo Kenya Aline Ménager ayaa heshiiskaan kula sixiixday magaalada Muqdisho, wasiirka ayaana sharaxay heshiiska kadib lacagaha la  cafiyey.

“Faransiiska waxa weeye wadanka 4aad ee lacagta ugu Badan naguleh, wadanka 1aad waa Maraykanka, wadanka 2aad waa Ruushka halka kan 3aad uu yahay Talyaaniga, faransiisku wuxuu nagu lahaa lacag dhan 560 milyan oo maanta 306 milyan oo kamida uu naga cafiyay” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Soomaaliya ayaa waa deymo badan ku leh wadamo dhowr ah Mareykanka ayaana aha wadanka ku leh lacaga ugu badan, halka Ruushka uu ku jiro kaalinta labaad, waxaana hadda socda nidaamka Soomaaliya looga cafinayo deynta.

Goobjoog News