U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Maanta Diyaarad Hub Sidda u Dirtay Maamulka Puntland (Sawirro)

Sheeko:Dalka, War

Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho waxaa maanta ka ambabaxday Diyaarad hub u sidda maamulka Puntland kadib weerar gobolka Nugaal ay ku qaadeen ciidamada Al-shabaab.

Hubkaan ayaa u badan rasaas, waxaana garoonka markii diyaaradani ka amba baxeysay ku sugnaa Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Abaanduulaha ciidanka Xoogga dalka iyo saraakiil kale.

Abaanduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar ayaa sheegay in hubkani uu ku wajahan yahay ciidanka xoogga dalka qeybta 54-aad ee Puntland ku sugan, si ay ula dagaallamaan Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu tilmaamay in weerarka Al-shabaab ay ku qaadeen deegaannada Puntaland ay tahay oo kaliya Laba arrin oo uu ku kala sheegay in ay Ajaaniib iyaga ka barbar dagaallamaya ay dhoofinayaan ama inay u socdaan dagaallada ka socda barriga dhexe waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale Abaanduulaha ayaa hoosta ka xarriiqay in taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu taakuleyn Milatari la garab taagan yahay ciidanka ku sugan Puntland ee hadda dagaalka kula jira Al-shabaab.

“Aniga oo ku hadlaya magaca taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo magaceyga abaanduullenimada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaan rabaa umadda Soomaaliyeed inaan u sheego in cadowga maanta uu bilaabay dhaq dhaqaaq cusub oo uu ku fashilmay, haatanna kala carar uu joogo, meelaha uu maciin biday waxaa ka mid ah buuraleyda iyo xeebta Puntland iyo Mudug, wuxuu ka cararay dhinacaan koonfureed oo looga adkaaday, waxay hadda billaabeen inay xoolaha dadweynaha dhacaan, gaadiidka dhacaan askarna ku qaataan, doonyaha ka afduubtaan dadka Kalluumeysatada ah una haajiraan dhinacaasi badda, xeebta inaan laga xigsan bay rabaan, hadda ulajeedkooda waxa weeye inay cararaan, xeebaha wey ku dhuumanayaan waa suurta gal Laba waxyaabood, in xaggaasi ay dad ajanabi ah ka dhoofinayaan iyo in ay xeebta kasii gudbaan oo meelaha barriga dhexe ee dagaalku ka socdo Labaduba waa suurta gal, waxaan idiinla socodsiinayaa umadda Soomaaliyeed in laga adkaaday cadowga, maantana dhinacaan Koonfureed wax u yaalla aanu jirin” ayuu yiri Abaanduulaha.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay hadii ay suurta gal noqoto inay ka taakuleen doonaan Puntland xagga ciidanka, una sheegay inay ku tashan karaan xilli walbo iyo goor kasta.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa maalintii Seddexaad waxay dagaal kula jiraan Xarakada Al-shabaab, kaasi oo ka soconayo deegaanno ka mid ah gobolka Nugaal.

01 02 03 04 05 07

Goobjoog News